27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Ciidamada IDF ee Israa’iil oo saldhig ka sameysanaya Somaliland kadib aqoonsiga

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Aqoonsigii Israa’iil ay dhawaan siisay  maamulkaSomaliland ayaa u muuqda mid waddada u xaaraya in ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ay saldhig milatari oo istiraatiiji ah ka samaystaan Somaliland, sida ay sheegeen ilo-wareedyo iyo fallanqeeyayaal.

Kadib tallaabadii taariikhiga ahayd ee 26-kii December—markaas oo Israa’iil noqotay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsada Somaliland—wadahadallada labada dhinac ayaa si xawli ah ugu wareegay dhanka iskaashiga amniga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil, Gideon Sa’ar, oo hadlayay kadib kulan uu 6-dii January Hargeysa kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa caddeeyay in labada dhinac ay “yeelan doonaan iskaashi dhanka difaaca ah, ayna horumarin doonaan xiriir istiraatiijiyadeed.”

Halka mas’uuliyiinta Hargeysa ay muujiyeen taxaddar diblomaasiyadeed—iyadoo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, uu xusay in arrintan laga hadli doono “marka waqtigeedu yimaado”—haddana warbixino lagu kalsoon yahay, oo baahiyeen warbaahinta Israa’iil, ayaa tilmaamaya in qorshahaasi uu marayo meel sare.

Warbaahinta Israa’iil ayaa soo xigatay sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo xaqiijiyay in heshiiska saldhigga milatari uu yahay mid “miiska saaran oo si dhab ah looga wadahadlayo.”

Muhiimadda Berbera

Qorshayaasha milatari ee Israa’iil ayaa si gaar ah diiradda u saaraya Madaarka Caalamiga ah ee Berbera, kaas oo dhaca goob juqraafi ahaan xasaasi ah.

Falanqeyn ay sameysay hay’adda daraasaadka istiraatiijiyadda ee IISS (International Institute for Strategic Studies) ayaa muujineysa in joogitaanka milatari ee Israa’iil ee Berbera ay si weyn u dhimi doonto masaafo-duulimaadka loo jiro goobaha ay Xuudiyiintu ka maamulaan dalka Yemen.

Masaafadaas oo haatan ah 1,800 kiiloomitir marka laga soo kicitimo gudaha Israa’iil, ayaa kusoo koobmi doonta qiyaastii 550 kiiloomitir oo kaliya.

Duullimaadyada hadda jira ayaa u baahan shidaal ku shubid hawada ah iyo saadka oo adag, balse saldhigga Berbera wuxuu u ogolaanayaa Israa’iil inay yareyso waqtiga falcelinta ee weerarada ka dhanka ah kooxda Xuudiyiinta (Ansaarullaah).

Wuxuu sidoo kale siinayaa awood ay ku kordhiso sirdoonka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa Gacanka Cadmeed iyo Koonfurta Badda Cas.

Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in Israa’iil ay u fududaaneyso in ay isticmaasho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) ee riddada gaaban si loo sugo amniga marinnada ganacsiga, halkii lagu tiirsanaan lahaa hubka riddada dheer ee kharashkiisu badan yahay.

Caqabadaha hortaagan 

Inkasta oo heshiiskani uu Somaliland u horseedi karo aqoonsi caalami ah oo ay in muddo ah raadinaysay, haddana wuxuu wataa culeysyo siyaasadeed oo aan la dhayalsan karin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo Somaliland ay tahay qayb sharci ahaan ka mid ah dhulkeeda, ayaa si adag uga hortimid tallaabada Israa’iil. Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa soo saartay digniino culus oo ku aaddan isticmaalka shisheeye ee dhulka Soomaaliyeed.

Khuburada amniga ayaa ka digaya in tallaabadani ay kordhin karto halista weeraro lagu beegsado dekedda Berbera, oo ah halbowlaha dhaqaalaha Somaliland. Xuudiyiinta Yemen ayaa iyaguna ku goodiyay inay bartilmaameedsan doonaan wixii dano Israa’iil ah ee laga hirgeliyo Somaliland.

Dhinaca diblomaasiyadda, saldhig milatari oo Israa’iil ku yeelato Geeska Afrika ayaa laga yaabaa inuu xurguf ku keeno xiriirka waddamada gobolka, gaar ahaan Masar, Sacuudiga, iyo Turkiga oo dhammaantood dano waaweyn ka leh marin-biyoodka Badda Cas.

Warbixinta IISS ayaa digniin ku bixisay in arrintani ay Somaliland gelin karto go’doon siyaasadeed oo kaga yimaada Midowga Afrika, xilli ay Hargeysa isku dayayso inay aqoonsigeeda ku xoojiso xulafaysiga Tel Aviv.

- Advertisement -

Read more

Local News