27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Soomaaliya oo hawadeeda ka xanibtay diyaaradaha Israa’iil

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tel Aviv (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diiday in shirkadda diyaaradaha Israa’iil ee Arkia ay isticmaasho hawada dalka, tallaabadaas oo warbaahinta Israa’iil ay ku tilmaantay jawaabtii ugu horreysay ee “aargoosi diblomaasiyadeed” ah tan iyo markii Tel Aviv ay aqoonsatay Somaliland.

Go’aankan ayaa ku qasbaya shirkadda Arkia inay beddesho khadka duulimaadkeeda ee taga dalka Thailand, iyada oo hadda kadib mari doonta waddooyin ka dheer kuwii hore, taas oo kordhinaysa waqtiga iyo kharashka shidaalka.

Sida uu qoray wargeyska kasoo baxa Israa’iil, Yedioth Ahronoth (Ynet), shirkadda Arkia ma helin cusbooneysiinta ogolaanshaha maritaanka hawada ee bisha Febraayo. Hawada Soomaaliya ayaa ah marin halbowle u ah diyaaradaha Israa’iil ee u kala goosha Koonfur-bari Aasiya iyo Tel Aviv.

“Haddii aanan helin ogolaansho horraanta bisha Febraayo, shirkaddu waxay ku shaqeyn doontaa waddooyin kale,” ayay tiri Arkia, inkastoo ay xaqiijisay in jadwalka duulimaadyadu sidiisii ahaan doono.

Inkasta oo xayiraaddani ay hadda si toos ah u saameysay Arkia, shirkadda calanka u sidda Israa’iil ee El Al ayaa sheegtay in aanay weli wajihin caqabadan, maadaama ogolaanshaheeda sanadlaha ah uu shaqeynayo illaa bisha Maarso.

Hase yeeshee, ilo xog-ogaal ah oo ka tirsan shirkadaha duulista ayaa ka digaya in El Al ay wajihi karto go’doon la mid ah marka waqtigeedu dhaco.

Haddii ay taasi dhacdo, waxay halis gelin kartaa faa’iidada duulimaadyada caanka ah ee Bangkok iyo Phuket, maadaama ay qasab noqon doonto in diyaaraduhu ay qaataan waddooyin wareeg ah oo aad u dheer.

Xayiraaddan ayaa kusoo aadaysa xilli uu cirka isku shareeray khilaafka diblomaasiyadeed ee ka dhashay go’aankii 26-kii December ee Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu Somaliland ugu aqoonsaday in ay tahay dal madax-bannaan.

Tallaabadaas, oo Israa’iil ku sheegtay mid xoojinaysa xasilloonida gobolka, ayay Dowladda Soomaaliya u aragtaa xadgudub qaawan oo lagu sameeyay madax-bannaanida iyo midnimada dhulkeeda.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Masar, Turkiga iyo Jabuuti oo bishii hore soo saaray war-murtiyeed wadajir ah, ayaa go’aanka Israa’iil ku tilmaamay “mid abuuraya tusaale khatar ah” oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.

Loolanka Badda Cas

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in aqoonsiga Israa’iil uu salka ku hayo dano istiraatiijiyadeed oo ay ka leedahay Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Israa’iil ayaa la sheegay inay baadigoob ugu jirto saldhig ay ku yeelato meel u dhow marinka Bab el-Mandeb, si ay ula socoto dhaq-dhaqaaqa kooxda Xuutiyiinta Yemen oo weeraro ku haysa maraakiibta caalamiga ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in heshiiska Hargeysa iyo Tel Aviv uu Israa’iil u ogolaan karo isticmaalka Dekedda Berbera arrimo la xiriira saadka iyo sirdoonka, arrintaas oo walwal weyn ku abuurtay Muqdisho iyo xulafadeeda gobolka.

Soomaaliya, oo sanadihii u dambeeyay si buuxda ula wareegtay maamulka Hawada Sare (Flight Information Region – FIR) oo horey looga maamuli jiray Nairobi, ayaa hadda awood u leh inay go’aamiso cidda mareysa hawada dalka. Tallaabadan diidmada ah ayaa u muuqata “Kaarkii ugu horreeyay” ee Muqdisho u adeegsato cadaadiska ka dhanka ah Israa’iil.

Shirkadda Arkia ayaa sheegtay inay wada-shaqeyn la leedahay Hay’adda Duulista Rayidka Israa’iil iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda si xal loogu helo arrintan, balse xiritaanka hawada Soomaaliya ayaa muujinaya in “duufaanta siyaasadeed” ee gobolka ay hadda u gudubtay dhanka hawada sare.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News