27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Turkish Airlines iyo diyaarado kale oo caalami ah oo walaac ka muujiyay garoonka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa galay marxalad walaac leh, kaddib markii qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ay muujiyeen cabsi la xiriirta badqabka garoonka iyo nawaaxigiisa.

Xogaha aan helayno ayaa sheegaya in shirkado ay ka mid yihiin Turkish Airlines, Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines ay si rasmi ah ula xiriireen Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, iyaga oo gudbiyay walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan badqabka garoonka.

Shirkadahan ayaa si weyn uga walaacsan sii wadista duulimaadyadooda ku wajahan magaalada Muqdisho, sababo la xiriira xaaladda amni ee garoonka iyo agagaarkiisa.

Xogaha aan helayno ayaa tilmaameysa in shirkadahan ay toos ula xiriireen mas’uuliyiinta ugu sarreeya ee hay’adda, isla markaana ay direen qoraallo rasmi ah oo ay ku faahfaahinayaan khataraha ay dareemayaan.

Si kastaba, ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in weli aan la arag wax tallaabo ah oo wax ku ool ah ama jawaab cad oo ka timid Hay’adda Duulista Rayidka.

Farriimo ay shirkaduhu u direen hay’adda ayaa lagu caddeeyay in aysan sii wadi karin duulimaadyada haddii xaaladda hadda jirta wax laga qaban waayo, maadaama ay khatar ku tahay ammaanka rakaabka, shaqaalaha iyo hantida shirkadaha.

Haddii duulimaadyada caalamiga ah ay istaagaan ama hakadaan, waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa; isu socodka rakaabka iyo ganacsiga, sumcadda duulista Soomaaliya, iyo xiriirka caalamiga ah ee dalka.

Ilaa iyo hadda, Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya kama aysan hadlin walaaca ay shirkadaha diyaaradaha caalamiga ka muujiyeen badqabka garoonka, mana jirto war rasmi ah oo ay ka soo saartay arrintaan.

- Advertisement -

Read more

Local News