28.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Soomaaliya iyo Hindiya oo ku heshiiyay arrin xasaasi ah

Bookmark
Bookmarked

Share

New Delhi (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya oo wada-hadallo cusub yeeshay Jimcihii ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyaga oo ku heshiiyay in la qaado tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo skaashiga uu dhexeeya labada dhinac.

Go’aankan ayaa waxaa si wadajir ah u gaaray wasiirada arrimaha dibadda ee labada dal, Cabdisalaam Cabdi Cali iyo Dr. Subrahmanyam Jaishankar oo kulan laba geesood ah ku yeeshay magaalada New Delhi ee caasimada dalka Jamhuuriyadda Hindiya.

Inta uu socday kulanka labada wasiir ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Hindiya, iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, waxbarashada, iyo caafimaadka.

Wasiir Cabdisalaam oo madasha ka hadlay ayaa marka hore jeediyay mahadnaq ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay Hindiya siiso madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo xasilloonida Soomaaliya.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in la sii wado wada-shaqeyn dhow iyo hirgelinta tallaabooyin wax-ku-ool ah oo lagu xaqiijinayo in iskaashigan uu isu beddelo natiijooyin la taaban karo.

Horay Hindiya ayaa si buuxda u taageertay madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna sheegtay in aysan wax niyad ah u hayn aqoonsiga maamulka Somaliland, iyadoo si cad u beenisay hadal-heyn baraha bulshada ku faaftay oo ku saabsan in New Delhi ay raaci karto tallaabadii Israa’iil ee aqoonsiga gobolka gooni-u-goosadka ah.

Si kastaba, Dalalka Hindiya iyo Soomaaliya waxay xiriir diblomaasiyadeed sameysteen sanadihii hore ee xornimada Soomaaliya kaddib, waxaana Hindiya ay sii waday xiriirka iyo wada-shaqeynta iyadoo adeegsanaysa shabakaddeeda wakiillada diblomaasiyadeed, xitaa kaddib markii ay xirtay safaaraddii Muqdisho xilligii dagaalka sokeeye.

New Delhi ayaa sidoo kale door ka qaadatay dadaallada caalamiga ah ee Soomaaliya la xiriira, oo ay ku jiraan ka-qaybgalka hawlgallada Qaramada Midoobay iyo joogitaan ciidan-badeed oo muddo dheer ka socday gobolka ballaaran, sida ku xusan qoraallada rasmiga ah ee wakiillada diblomaasiyadeed ee Hindiya.

- Advertisement -

Read more

Local News