27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Xubno kasoo goostay Al-Shabaab oo isku dhiibay Jubbaland

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Onlin) – Laba kamid ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii isku soo dhiibay ciidamada Jubbaland ee ku sugan deegaanka Baasanguuni ee gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu soo dhaweeyay deegaanka.

Xubnahan ayaa kasoo fakaday  Khawaarijta, kadib markii ay u adkeysan waayeen sida ay sheegeen culeyska ay haatan wajaheyso kooxda oo lagu hayo weerarro joogto ah.

Labada nin ee isa soo dhiibay ayaa magacyadooda ku kala sheegay Axmed Mustaf Aadan iyo Ismaaciil Aadan Ibraahim, waxaana ay wateen hubkooda, sida ay sheegeen saraakiisha Jubbaland.

Raggan ayaa si gaar ah ugu hubeysanaa qoriga BKM, qoriga AK-47 (Aaran) iyo booshkiisa, sida ay muujinayaan sawirro ay baahisay warbaahinta Jubbaland.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay hayeen xogta raggan, waxayna kasoo tageen agagaarka jiinka wabiga Jubba, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayeen maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa haatan sii kordhaya tirada xubnaha ka tirsan Khawaarijta ee isku soo dhiibaya ciidamada, kadib markii jab culus lagu gaarsiiyay dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubbooyinka.

Xaaladda deegaannada ay ka dhaceen howlgallada ayaa weli kacsan, waxaana ciidamada ay sii wadaan baacsiga xubnaha Al-Shabaab ee ka firxaday halkaasi.

Si kastaba, ha’ahaatee xubnaha haatan isa soo dhiibay ayaa lagu hayaa xarunta taliska, waxaa ku socda baaritaanno dheeraad ah, iyada oo la gudbin doono xarumha dhaqan-celinta oo muddo lagu hayna doono.

- Advertisement -

Read more

Local News