24.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Turkiga iyo Mareykanka oo qaaday tallaabooyin xasaas ah oo la xiriira Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Sare u kaca xasilooni darrada ka jirta gobolka Geeska Afrika ayaa ku riixday dowladaha Mareykanka iyo Turkiga inay si weyn u xoojiyaan awooddooda milatari ee gobolka, iyadoo labada dalba ay qaadeen tallaabooyin cusub oo ay ku xaqiijinayaan danahooda istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in Ankara ay diyaaradaha dagaalka ee F-16 gaysay gudaha Soomaaliya. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshe ballaaran oo Turkigu ku doonayo inuu ku baahiyo raadkiisa milatari ee gobolka, xilli uu xiriir dhow oo iskaashi la leeyahay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan dowladda Turkiga, oo diiday in magaciisa la xigto, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in diyaaradahan ay si toos ah u maamuli doonaan ciidamada Turkiga ee ku sugan Muqdisho.

“Tallaabadani waa mid lagu sugayo amnigeena,” ayuu yiri sarkaalku, isagoona meesha ka saaray in duuliyeyaal Soomaali ah ay ku lug yeelan doonaan hawlgallada diyaaradahan.

Turkiga, oo sannadkii 2017-kii xarigga ka jaray saldhiggiisa milatari ee ugu weyn dibadda (TURKSOM) oo ku yaalla Muqdisho, ayaa halkaas ka wada hawlgallo isugu jira tababarro iyo la-talin dhanka ciidamada ah, si kor loogu qaado awoodda la-dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya.

Tallaabadan milatari ee Turkiga ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Ankara si kulul u dhalleeceysay go’aankii Israa’iil ay ku aqoonsatay Jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland. Dowladda Turkiga ayaa tallaabadaasi ku tilmaamtay “faragelin qaawan oo lagu sameeyay arrimaha gudaha iyo qarannimada Soomaaliya.”

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa daah-furtay mashruuc qiimihiisu gaarayo $70 milyan oo lagu ballaarinayo dhabaha diyaaradaha ee saldhigga milatari ee Manda Bay ee dalka Kenya. Saldhiggan oo ku yaalla gobolka Lamu, una dhow xuduudda Soomaaliya, ayaa ah xarun istiraatiiji ah oo ay ciidamada Mareykanku u adeegsadaan hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Christopher Landau, oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa munaasabaddii dhagax-dhigga ka sheegay in mashruucani uu dirayo farriin cad.

“Waa inaan tusnaa kuwa doonaya inay na soo weeraraan in ay naga go’an tahay inaan is-difaacno,” ayuu yiri Landau, isagoo intaa ku daray in saldhiggani uu astaan u yahay iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Mareykanka iyo Kenya.

Saldhigga Manda Bay ayaa sannadkii 2020-kii waxaa weerar culus ku qaaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaas oo lagu dilay saddex muwaadin oo Mareykan ah, laguna burburiyay diyaarado iyo qalab milatari. Mareykanka ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkaas xoojiyay amniga iyo awoodda saldhigga.

Maamulka Madaxweyne Joe Biden ayaa sannadkii 2024-kii shaaciyay qorshe Kenya loogu aqoonsanayo xulafada ugu weyn ee aan xubinta ka ahayn NATO (Major Non-NATO Ally) ee dhanka Koonfurta Saxaraha, taasi oo sare u qaadaysa iskaashiga milatari ee labada dal, inkastoo aanay jirin heshiis difaac oo rasmi ah.

Landau ayaa sidoo kale bogaadiyay doorka Kenya ee “xasilinta caalamiga ah,” gaar ahaan hoggaaminta hawlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Haiti, halkaas oo ciidamada Kenya ay booliska dalkaas ka caawinayaan la-dagaalanka kooxaha burcadda ah ee la wareegay qaybo badan oo dalkaas ka mid ah.

- Advertisement -

Read more

Local News