27.9 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

DF oo caddeysay sababta loo celiyay ciidamadii Deni iyo Madoobe

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay sababta loo celiyay diyaaradihii siday ciidamadii tirada badnaa ee saaka kasoo ambabaxay magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo.

Ciidamadan oo ahaa ilaalada madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, oo la filayo inay yimaadan magaalada Muqdisho ayaa ku hubeysnaa hub culus, iyadoo tiradooduna badnayd, taas oo walaac xooggan ku abuurtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo qoraal soo saaray ayaa caddeeyay in Muqdisho u baahnayn xaalad amni darro iyo ciidamo badan oo lagu soo daabulo, maadaama ay joogaan ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amniga saaran tahay.

“Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Waxa uu intaas kusii daray “Ma wada-hadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.”

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Marka ay Adis Ababa, Nairobi iyo Dubai sida dhuumaalysiga ah ay ugu safrayaan ayagoo boorsooyin wata ayay u safraan, safafka immigrationka ayay galaan, marka ay caasimadooda u soo safrayaana sidii niman dagaalkii u dambeeyey u socda oo kale ayay isku soo hubaynayaan.

Ma wadahadal ayay u socdaan mise dagaal, mise dhoola-tus ciidan oo ah fariin ay u dirayaan kuwa kale.

Amniga madaxda caalamka ee Muqdisho soo booqanaya dawladda Soomaaliya ayaa sugta, wayna isku aaminaan, madaxda Soomaaliyeedna mudnaan gaar ah ayay leeyihiin, ma jirto wax ururo ciidan ah la soo safriyo ayadoo ciidamadii qaranka ee mas’uuliyadda amnigu saarnayd ay joogaan.

Muuqaalka hubaysan ee aan qurxoonayn iyo in ciidamo wax ay yihiin aan la garanayn in la keensado hoteelada garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho oo ah meel xasaasi ah oo ay deggan yihiin safaaradaha waaweyn ayna ku yaallaan goobo muhiim ma ahan wax ay ku gar helayaan Deni iyo Madoobe.

Ciidamada la soo luggoynayo Buuraha Calmiskaad iyo hareeraha Kismaayo in lagu xoreeyo ayaa ka mudan in film jilid loo soo wato.

- Advertisement -

Read more

Local News