25 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Ma isbeddel ayaa ku yimid gogosha wada-hadalka kadib tallaabada DF ee maanta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa caddeysay in martiqaadkeedii gogosha wada-hadalka aysan waxba iska baddalin, xilli ay maanta dib u celisay diyaaradihii waday ciidamadii ay iska hor mariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.

Wasaaradda Amniga Gudaha oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa ku boorrisay xubnaha Madasha Mustaqbalka in ay ilaaliyaan baratakoollada iyo habraacyada amniga, si loo abuuro jawi xasiloon oo nabad ah oo shirku ku qabsoomo.

Wasaaradda ayaa celinta ilaalada madaxda Puntland iyo Jubaland soo direen saaka ku tilmaamtay kuwo ka hor imanaya habraacyada amni ee garoonka Muqdisho iyo guud ahaan kan caasimadda.

“Dowladda Soomaaliya waxay mas’uuliyad ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore u meel marisay qaraarro caddeynaya baratakoollada iyo habraacyada lagu sugayo amniga Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde, iyo guud ahaan amniga caasimadda taas oo suurta gelisay amniga iyo nabadda lagu naaloonayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Waxay sheegtay in xubno ka mid ah Madasha Mustaqbalka oo ka qeyb-gali lahaa shirka wada-hadallada ee dowladda ku baaqday in ay saaka isku dayeen in ay diyaarado kusoo daabulaan ciidamo iyo hub aan la garanayn ujeedada ay ka leeyihiin, tas oo xad-gudub ku ah qaraarrada amniga lagu sugayo.

Qaraarada baratoolka iyo habraacyada amniga lagu sugayo ayey wasaaraddu sheegtay inay yihiin kuwa ay ku dhaqmaan dhammaan madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo madaxda hore ee dalka.

“Hay’addaha amniga dowladda iyo gudida qaban-qaabada shirka waxay ku wargaliyeen xubnaha guddiga ku matalayey golaha mustaqbalka, in aan la aqbali karin ciidamo iyo hub aan la soo marin hanaankii iyo habraacyadii lagu dhaqmayo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hawada Muqdisho dib uga celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay Kismaayo iyo Garoowe.

Mas’uuliyiinta Hay’adda Duulista Hawada ayaa la siiyay amar toos ah oo ku aaddan in aysan jiri karin diyaarado dambe oo sida ciidamo oo kasoo duuli kara labada magaalo, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Si kastaba, tallaabadan waxaa durba si adag uga fal-celiyay maamullada Puntland iyo Jubaland, kuwaas oo sheegay in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ujeedka ka dambeeya go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.

Tallaabooyinkan ayey xuseen inay ka dhalan karaan halis iyo qalalaase hor leh, isla markaana la iskula xisaabtami doono falkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News