25 C
Mogadishu
Sunday, February 1, 2026

Golaha Mustaqbalka oo meel adag ka istaagay tallaabadii DF ku celisay ciidanka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cambaareeyay tallaabadii ay maanta Dowladda Federaalka dib ugu celisay diyaaradihii siday ilaalada gaarka ah ee hoggaamiyeyaasha Puntland iyo Jubaland.

Golaha ayaa go’aanka dowladda ku tilmaamay mid mas’uuliyad-darro ah. “Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuba waxay qaateen go’aan qar iska xoornimo ah oo khatar gelinaya nolosha wufuuddii saarnayd diyaaradaha la celiyay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Golaha.

Golaha ayaa xusay inuu si niyadsami ah u aqbalay gogosha ay dowladdu dhigtay, isagoo dowladda ku eedeeyay inay maalmihii dambe qaadeysay tallaabooyin si cad loogu carqaladeynayo qabsoomidda gogosha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

  • Kulammo iyo hadallo lid ku ahaa ujeeddooyinka gogosha wada-hadallada;
  • Wax ka beddelka dastuurka;
  • Iyo xanibaadda duulimaadyada wufuuddii ka qayb-geli lahayd gogosha.

Golaha Mustaqbalka ayaa caddeeyay inuu dib u eegis ku samayn doono tubta wada-hadallada, kaddib tallaabooyinka ay qaaday dowladda, xilli la filayay in shirka uu furmo Isniinta berrito ah.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu cambaareynayaa go’aanka mas’uuliyad darada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ku celisay duulimaadyadii ka soo kala kicitimay magaalooyinka Kismaayo iyo Garoowe, siddayna wufuud hordhac ahayd oo ka koobnaa mas’uuliyiin, saxaafad, iyo ilaalada gaarka ee Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddaynayaa in heshiis laga gaaray dhammaan qodobadii gundhiga u ahaa qabsoomidda shirka wadahadalada oo ay qayb ka tahay ogolaanshaha ilaalada gaarka ah ee mas’uuliyiinta shirka ka qayb galaysa.

Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisuba waxay qaateen go’aan qar iska xoornimo ah oo khatar galinaya nolosha wufuudii saarnayd diyaaradadaha la celshay.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu si niyadsami ah u aqbalay gogosha ay dowladdu dhigtay, waxaase aqbalaadda kaddib socday tallaabooyin si cad loogu carqaladaynayo qabsoomidda gogosha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen: kulamo iyo hadallo lid ku ahaa ujeeddooyinka gogosha wadahadalada, waxa beddelka dastuurka, iyo xanibaadda duulimaadyada wufuudii ka qaybgelilahaa gogosha.

Hadaba, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed u caddaynayaa in uu diyaar u yahay wadahadal daacad laga yahay, wuxuuna dib u eegis ku samayn doonaa tubta wadahadalada.

- Advertisement -

Read more

Local News