24.8 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Jeyte oo ku dhawaaqay inuu yahay musharax madaxweyne

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle.

Jeyte ayaa sheegay inuu qayb ka yahay isbeddel lagu badbaadinayo maamulka HirShabelle, si loo helo maamul heybad leh, isla markaana la hana-qaado maamullada kale ee dalka.

“Waxaan shaacinayaa inaan ahay musharrax u taagan hanashada xilka madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle, kaddib markii aan aqbalay talo-soo-jeedin muddo fog iiga imaaneysay ummadda ku dhaqan Dowlad-goboleedka HirShabelle, dal iyo dibad,” ayuu Jeyte ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale wuxuu sheegay in hanka iyo himilada ugu weyn ee uu xaqiijinayo ay tahay in HirShabelle noqoto deegaan ka caagan argagixiso, isla markaana leh qiyam maamul oo sharfan, una noqota udub-dhexaad adkeynta amniga dalka iyo xoojinta midnimada nidaamka federaalka ee dowladnimadeenna.

“Sidaas darteed, walaalayaal, barnaamijkayga siyaasadeed oo ah mid baaxad leh, waxaan ku bayaamin doonaa madal siyaasadeed oo aan iclaamin doono, hadduu Eebe idmo.”

Hoos ka aqriso qoraalka Jeyte:

BISMILLAH,

BAYAAN SHAACIN RASMI AH XILKA MADAXWEYNAHA HIRSHABELLE

Ugu horeeyn waxaan salaan diiran u dirayaa guud ahaan shacab’ka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan. Salaan dabadeed, maanta oo ay taariikhdu tahay 01/02/2026, waxaan halkaan ka shaacinayaa anigoo ah (Cali Jeeyte Cismaan) inaan ahay musharrax u taagan hanashada xilka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle ee muddo xileedka 2026–2030.

Sababaha musharraxnimadeyda

1= Markii aan arkay ahmiyadda iyo qiimaha ay leedahay in la helo maamul ku dhisan is-ongol iyo isla-guddoomid, anigoo garawsan, waayo-aragna u ah xaaladahii habraaceed ee ay soo martay Dowlad-goboleedka HirShabelle tan iyo dhismaheedii; haddaba si aan u dhisanno maamul cadaalad leh, wadajir leh, halbeegga lagu cabbiri karana uu yahay dad iyo deegaan wadajira, isna aqbalsan, waa sababta aan isugu sharaxay xilkan.

2= Markii aan aqbalay talo-soo-jeedin soo socotay muddo fog oo iiga imaaneysay ummadda ku dhaqan Dowlad-goboleedka HirShabelle, dal iyo dibad,
waxaan go’aan saaray inaan wajaho, qaybna ka ahaado isbeddelka lagu badbaadinayo maamulka HirShabelle, si aan u helno maamul heybad leh, lana hana-qaado maamulada kale ee qaybta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidaas daraadeed, walaalayaal, barnaamijkeeyga siyaasadeed oo ah mid baaxad leh, waxaan ku bayaanin doonaa madal siyaasadeed oo aan iclaamin doono, hadduu Eebe idmo.

Hanka iyo himilada ugu weyn ee aynu xaqiijinayno waa inaan HirShabelle ka dhiganno meel ka caagan argagixiso, leh qiyam maamul oo sharfan, u-dub-dhexaadna u noqota adkeynta amniga dalka iyo xoojinta midnimada nidaamka federaalka ee dowladnimadeenna.

Ugu dambeyntii, waxaan u soo jeedinayaa kana codsanayaa ummadda ku dhaqan Dowlad-goboleedka HirShabelle in loo midoobo midnimada Dowlad-goboleedka HirShabelle, oo maanta wajahaya hubanti amni iyo dagaallo argagixiso, qalbiyadana laysku furo, lana abuuro jawi caqli iyo xikmad leh oo aan ku wajahno isbeddel ina dhaxalsiiya horumar iyo amni ku dhisan is-ongol iyo isla-guddoon.

HOGGAAN AMNI IYO AMAANO LEH
XURRIYAD IYO XASILLOONI LEH

Alle Mahadleh.

- Advertisement -

Read more

Local News