24.8 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Beesha caalamka oo ka hadashay dhacdadii maanta, farriina u dirtay DF iyo Golaha Mustaqbalka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiillada Beesha Caalamka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin wixii maanta dhacay, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hawada Muqdisho ka celisay diyaaradihii siday ilaalada gaarka ah ee madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa tallaabadaasi ku tilmaantay “ceeb”, iyadoo Marwo Francesca Di Mauro ay dhinacyada ka dalbatay inay ka shaqeeyaan sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa.

“Si kasta oo uu u jiro is-faham waa, Midowga Yurub wuxuu rajeynayaa in dhinacyada oo dhan ay xal u helaan sidii uu u dhici lahaa wada-hadalkan muhiimka ah, loona abuuri lahaa jawi ku habboon doodaha masiiriga ah ee horseedaya jidka loo marayo doorashooyinka,” ayey tiri Francesca oo qoraal soo dhigtay barteeda X (ex-Twitter).

Sidoo kale, Hawlgalka Ku-meelgaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa madaxda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay inay iskugu yimaadaan miiska wada-hadalka, iyagoo dhacdadii maanta ku tilmaamay mid laga xumaado.

“UNTMIS waxay ka xun tahay in kooxihii horudhaca u ahaa wufuudda Puntland iyo Jubaland aysan soo gaarin Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in ay ka furanto magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska QM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta hawada Muqdisho dib uga celisay diyaarado siday ciidamo hubeysan oo ay iska soo hormariyeen madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, kuwaas oo saaka kasoo ambabaxay Kismaayo iyo Garoowe.

Dowladda ayaa ku andacootay in tallaabadan u qaaday si loo ilaaliyo baratakoollada iyo habraacyada amniga, halka maamullada Puntland iyo Jubaland ay sheegeen in khatar la galiyay saraakiil iyo ciidamo hordhac u ahaa safarka la filayay in madaxdaan ku soo gaaran caasimada Soomaaliya.

Waxay sheegeen in ujeedka ka dambeeya go’aankan uu yahay in la fashiliyo wada-hadallada lagu wado in ay dhex-maraan Villa Soomaaliya iyo Golaha Mustaqalka oo loo qorsheeyay inay berri bilowdaan.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

UNTMIS waxay ka xun tahay in kooxihii horudhaca u ahaa wufuudda Puntland iyo Jubaland aysan soo gaarin Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu waday in ay ka furanto magaalada Muqdisho, sababo la xiriira hannaankii farsamo ee loo baahnaa oo aan la oggolaan.

Waxaan si adag ugu dhiirigelinaynaa dhammaan dhinacyada inay mudnaanta siiyaan gogosha wada-tashiga ee hore loogu heshiiyey, si loo gaaro is-afgarad ku saabsan doorashooyinka iyo arrimaha kale ee mudnaanta u leh qaranka, ka hor dhammaadka muddada waajibaadka dastuuriga ah.

Sidoo kale, waxaan ku boorrineynaa in si degdeg ah loo dhammaystiro shaqada diyaarinta ee ay wadaan kooxaha farsamada, isla markaana Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hoggaanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ay sameeyaan dadaal dheeri ah oo lagu abuuro jawi ku habboon wada-hadal wax-ku-ool ah, oo lagu gaaro heshiis loo dhan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News