27.9 C
Mogadishu
Monday, February 2, 2026

Axmed Madoobe oo sii daayay Senator Ilyaas Gaboose + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay sii daayay Senator Ilyaas Beddel Gaboose oo ahaa musharax si weyn ula loollamayay, kaas oo muddo dheer xabsi guri ku ahaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hooe.

Axmed Madoobe oo haatan muujinayo dabacsanaan iyo furfurnaan siyaasadeed ayaa heshiis kusii daayay Senatorka iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi oo isna ku xayirnaa Jubbaland, waxayna gaareen is-faham buuxa.

Warsaxaafadeed uu soo saaray Axmed Madoobe ayaa waxa uu ku sheegay in inay isla garteen in laga wada shaqeeyo danaha guud iyo midnimada Jubbaland.

“Walaaladay Senator Ilyaas Badal Gaboose iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullahi Waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland” ayuu yiri Axmd Madoobe

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay in dhammaan wada-hadal lagu xalliyo khilaafyada siyaasadeed ee ka jira Jubbaland, isla markaana ay sameyn doonaan taaasul aan xad lahayn.

“Dowladda Jubaland waxay diyaar u tahay tanaasul aan xad lahayn si loo xaqiijiyo midnimo iyo wadajir buuxa. Waxa naga go’an in dhammaan kala aragti duwanaanta dhinaca siyaasadda lagu xalliyo waddo kasta oo nabadeed, isla markaana ilaalinaysa danta guud, xasilloonida iyo mustaqbalka dadka ree Jubaland.” ayuu sii raaciyay madaxweynuhu.

Gaboose iyo xubnaha mucaaradka ah ee kasoo horjeeday Jubbaland ayaa dhibane u noqday Axmed Madoobe, tan iyo daba-yaaqadii November ee sanadkii 2024 oo uu doorasho ku qabsaday magaalada Kismaayo, taas oo ay ka horyimadeen xubnahan kadibna qabsaday doorasho kale oo ay sheegeen in madaxweyne loogu doortay Senator Ilyaas Beddel Gaboose, balse la xiray.

Ilyaas ayaa muddo ku adkeystay inuu yahay madaxweynaha sharciga ah ee maamul-goboleedka Jubbaland, laakiin taasi waxay sii dheereysay muddada xabsigiisa, waxaana ugu dambeyn xalay uu dib u helay xorriyaddiisa.

Jubbaland ayaa haatan galeysa marxalad cusub, waxaana dhinaca kale jira wada-hadallo ay qayb ka tahay oo u bilaabanayo DFS iyo Golaha Mustaqbalka.

- Advertisement -

Read more

Local News