Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa maanta xarigga ka jaray laba warshadood oo ay yeelan doonaan ciidanka milatariga Somaliland.
Warshadahan ayaa kala ah warshadda soo saareysa direyska ciidanka iyo warshadda furinka ciidanka, kuwaas oo haatan si rasmi ah u bilaabay shaqadooda.
Xarig-ka-jarista warshadahan ayaa ku soo beegantay munaasabadda xuska sannad-guurada 32-aad ee aas-aaska ciidanka milatariga Somaliland, taas oo Madaxweynaha Somaliland uu kaga qayb-galay xarunta taliska guud ee ciidanka milatariga.
Munaasabaddan oo ahayd mid si heer sare ah oo casri ah loo soo agaasimay, ayaa waxaa khudbad dheer ka jeediyay Madaxweyne Cirro, isagoo ugu horreyn Alle SWT uga baryay inuu u naxariisto dhammaan taliyeyaashii, hoggaamiyeyaashii, iyo ciidamadii kala darajooyinka duwanaa ee geeriyooday.
“Waalidkii, Ubadkii iyo ooryihii ay ka baxeen, waxaan leeyahay Daljirku ma Geeriyoodo, waxa aad leedihiin taariikh aad ku faani kartaan, ubadkiinuna abaal ku heli doono, In Sha Allaah,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.
Sidoo kale wuxuu bogaadiyey ciidanka milatariga, oo uu sheegay in ay yihiin tiirka ugu muhiimsan ee saldhigga u ah jiritaanka Somaliland.
“Aniga oo ku hadlaya afka muwaadiniintayda waxa aan si kalsooni leh idiinku caddaynayaa in Ciidanka Qaranku uu yahay Hay’adda ay dadkaygu ugu jecel yihiin, dhammaan Hay’adaha Dawladda Somaliland.”
Waxa uu intaas kusii daray: “Ciidamadayada sharafta badan iyo guud ahaanba dadkayga aan jecelahay, waxa aan u ballanqaadayaa, inta aan Xafiiska joogo, in yoolkayga koowaad uu noqon doono in aan idiinku adeego daacadnimo, daah-furnaan iyo doonistiina oo aan u hoggaansamo. Waxa aan doonayaa waa in magacayga aanan Hantidiina ku qorin ee aan Quluubtiina ku qoro.”


















