24.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Faylasha Epstein oo shaaca ka qaaday sida Trump uu gu afduubnaa sirdoonka Mossad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Dokumeenti sir ah oo ay leedahay Hay’adda Dembi-baarista Mareykanka ee FBI-da, kaas oo Jimcihii la shaaciyay, ayaa soo bandhigay eedeymo xasaasi ah oo ku aaddan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo xiriirro la sheegay inuu la lahaa sirdoonka Israa’iil.

Warbixintan oo qayb ka ah faylasha la xiriira maal-qabeenkii geeriyooday ee dambiyada galmada ku caanbaxay, Jeffrey Epstein, ayaa lagu sheegay in Trump uu “u afduubnaa” dowladda Israa’iil intii uu xilka hayay muddo xileedkiisa koowaad.

Sidoo kale, dokumeentiga ayaa tilmaamay in Epstein uu ahaa shakhsi la shaqeeya sirdoonka dibadda ee Israa’iil (Mossad), halka koox diimeed Yuhuud ah oo lagu magacaabo Chabad-Lubavitch ay isku dayday inay afduubato maamulkii Trump ee xilligaas.

Dokumeentigan oo la qoray sannadkii 2020-kii, qaybna ka ahaa baaritaan ay FBI-du ku sameynaysay faragelinta shisheeye ee doorashooyinka Mareykanka, ayaa soo xigtay ilo-wareed qarsoodi ah (Confidential Human Source).

Wuxuu sheegay in kooxda Chabad, oo ah urur diimeed xididdo ku leh Ruushka balse haysta xubno gaaraya 90,000, ay dadaal ugu jirtay inay la wareegto jihaynta madaxtooyada Trump. Kooxdan ayaa lagu tiriyaa inay xiriir dhow la leedahay siyaasadaha fog ee deegaamaynta Yuhuudda ee dhulka Falastiin.

Sida ku cad warbixinta, wiilka uu soddogga u yahay Trump, Jared Kushner, ayaa lagu tilmaamay “maskaxda dhabta ah” ee ka dambeysay maamulka Trump, isagoo taageero xooggan u hayay kooxdan.

“Maalintii Trump la doortay, gabadhiisa Ivanka iyo seygeeda Kushner waxay booqdeen qabriga Rabbi Schneerson, oo ahaa wadaadkii ugu awoodda badnaa shabakadda Chabad,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Ilo-wareedka FBI-da ayaa intaas ku daray: “Trump waxaa gacanta ku dhigay Israa’iil, waxaana arrimaha maamulkiisa hagayay Kushner.”

Xiriirka Epstein, Mossad iyo Ruushka

Dhinaca kale, warbixinta ayaa si qoto dheer uga hadashay Jeffrey Epstein, iyadoo ku tilmaamtay inuu ahaa wakiil u shaqeeya sirdoonka Mossad.

“Xogtu waxay na tuseysaa in Epstein uu ahaa wakiil ay qoratay Mossad,” ayaa lagu yiri qoraalka, iyadoo la xusay inuu xiriir dhow oo tobanaan sano ah la lahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Israa’iil, Ehud Barak.

Barak, oo horey usoo noqday sarkaal sare oo dhanka sirdoonka milatariga ah, ayaa lagu eedeeyay inuu Epstein u tababaray hawlaha basaasnimo, isagoo in ka badan 30 jeer ku booqday guriga Epstein ee New York intii u dhaxeysay 2013 ilaa 2017.

Dokumeentiga ayaa sidoo kale soo bandhigay iimayllo dhex maray labada nin, oo u muuqday kuwo si sarbeeb ah uga hadlaya xiriirkaas sirdoon.

Arrintan ayaa lagu xiriiriyay heshiiskii muranka dhaliyay ee Epstein uu galay 2008-dii, xilligaas oo dacwad-oogihii kiiska, Alex Acosta, loo sheegay in Epstein uu “ka tirsan yahay sirdoonka,” sidaas darteedna loola dhaqmo si ka duwan maxaabiista kale.

Ugu dambeyntii, warbixinta FBI-da ayaa xustay in kooxda Chabad ay xiriir la leedahay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, iyadoo loo sii marayo wadaadkooda Berel Lazar, kaas oo la sheegay in Putin uu u adeegsado inuu kula socdo dhaqdhaqaaqa maalqabeennada Yuhuudda ee Ruushka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News