27.9 C
Mogadishu
Tuesday, February 3, 2026

Soomaaliya iyo Ruushka oo kala saxiixday heshiis cusub oo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan iyo Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka ee Dowladda Federaalka Ruushka, H.E Oleg Salagay ayaa magaalada Geneva ku kala saxiixday heshiis is-afgarad (MoU) oo lagu xoojinayo iskaashiga caafimaad ee labada dal.

Heshiiskan ayaa ujeedkiisu yahay in la adkeeyo xiriirka wada-shaqeyneed ee dhinaca caafimaadka, isaga oo saldhig u noqonaya iskaashi ballaaran oo lagu horumarinayo adeegyada caafimaad ee Soomaaliya.

MoU-ga ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta nidaamka daryeelka caafimaadka, tayaynta adeegyada jira, iyo tababaridda shaqaalaha caafimaadka si loo kordhiyo aqoontooda iyo xirfaddooda.

Sidoo kale heshiisku wuxuu xoojinayaa wadaagidda khibradaha iyo cilmi-baarista caafimaad, ka hortagga iyo daaweynta cudurrada faafa iyo kuwa aan faafin, iyo nidaaminta daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.

Qodobbada kale ee heshiiska ku jira waxaa ka mid ah horumarinta daryeelka hooyada iyo dhallaanka, hirgelinta tiknoolajiyada dhijitaalka ah ee caafimaadka, daawada nukliyeerka, iyo dhiirrigelinta dalxiiska caafimaadka.

Iskaashigan cusub ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kor u qaadista tayada adeegyada caafimaad ee dalka iyo xoojinta awoodda hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya.

Wasiirrada labada dal oo kulan gaar ah yeeshay kadib saxiixa heshiiska, ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka qotada dheer ee dhinaca caafimaadka.

Sidoo kale waxay si wadajir ah u adkeeyeen in is-afgaradkan si hufan loo dhaqan-geliyo, si looga miro-dhaliyo natiijooyin wax ku ool ah oo u adeegaya danaha wadajirka ah ee labada dowladood.

- Advertisement -

Read more

Local News