Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiiru-dowlaha Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee dowladda Jarmalka, Mr. Niels Annen ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wafdiga ka socda dowladda Jarmalka ayaa waxaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre. Kulankan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa Safiirka Jamhuuriyadda Jarmalka, Sebastian Groth.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, oo ay ka mid yihiin abaarta ba’an ee jirta iy guulaha laga gaaray furimaha dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka iyo gogosha wada-hadal ee ay dowladda u fidisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Dhankiisa, Wasiir Niels Annen ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahad-celiyay qaabilaadda diirran iyo xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal, isagoo hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu leeyahay iskaashiga ku dhisan dano-wanaagga ee labada dowladood ka dhaxeeya.
Ugu dambeyntii, Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa xaqiijiyay in dowladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadan doonto dadaallada xalka loogu raadinayo nabadda iyo xasiloonida adduunka marka la joogo goleyaasha caalamiga ah, gaar ahaan Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo ay Soomaaliya ka tahay xubin aan joogto ahayn.
Booqashada wafdigan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu horumar wanaagsan sameynayo xiriirka Soomaaliya iyo Jarmalka.
Dowladda Jarmalka ayaa dhawaan si buuxda u aqoonsatay baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya, taas oo sii xoojinaysa xiriirka diblomaasiyadeed, isla markaana fududeynaysa socdaalka labada dal.










