28.1 C
Mogadishu
Sunday, April 26, 2026

Faah-faahinta dagaal culus oo ka socda duleedka Jamaame

Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhexeeya Ciidamada Daraawiishta Dowlad-goboleedka Jubaland iyo kooxda Al-Shabaab ayaa ka socda duleedka Degmada Jamaame ee Koonfurta Gobolka Jubada Hoose.

Dagaalkan ayaa qarxay kaddib markii ciidamada Jubbaland ay qaadeen duullaan xooggan oo ka dhan ah dagaal-yahaannada Al-Shabaab.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in khasaare xooggan uu labada dhinac soo kala gaaray, inkasta oo aan weli la hayn tiro rasmi ah.

Sidoo kale, waxaa jira duqaymo la sheegay in ay iska kaashanayaan Ciidamada Kumaandooska Danab iyo Mareykanka oo qeyb ka ah dagaalka socda.

Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii u dambeeyay waday diyaar-garow ciidan oo lagu beegsanayo saldhigyada Al-Shabaab ee gobolka Jubada Hoose, gaar ahaan agagaarka Degmada Jamaame, halkaas oo kooxdaasi muddooyinkii dambe ka abaabulaysay weerarro ka dhan ah ciidamada.

Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal ballaaran oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose lagu dilay ku dhawaad 30 xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Khawaarijta ee ka firxaday deegaanka Kudhaa ee gobolkaasi.

Dowladda Federaalka ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo haraadiga Khawaarijta, si looga hortago in mar kale ay weerar ka fuliyaan halkaasi.

Dagaalka Kudhaa ayaa noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan xubnaha Al-Shabaab, maadaama laga laayay maleeshiyaad badan, lagana dhaawacay kuwa kale, iyada oo xubno kale iyo hab la qabtay.

- Advertisement -

Read more

Local News