Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa saaka fulisay xukun dil toogasho ah oo horey ay ugu riday laba nin.
Xubnahan ayaa kala ah: Cabdi Cabdiqaadir Maxamed oo magaciisu afgarashadu ahaa Xuseen iyo Farxaan Maxamuud Cabdinuur Aadan oo isna loo yaqaanay Xasan, kana mid ahaa kooxda Al-Shabaab.
Labada xukunsane ayaa lagu helay inay Muqdisho ku dileen afar muwaadin, kaddib markii ay maxkamadda ciidamada ku caddeysay dambiyada loo haystay ee ahaa daadinta dhiigga muwaadiniinta Soomaaliyeed si bilaa micno darro ah, isla markaana ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Fulinta xukunka ayaa saaka ka dhacday fagaaraha toogasho ee Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maxkamadda ciidamada iyo saraakiil ciidan.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in xukunkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xaqiijinayo caddaaladda iyo la dagaallanka falalka dilalka Khawarijta ee ka dhaca caasimadda iyo meelkasta oo dalka ah.
Maxkamadda Darajada 1-aad Ciidamada Qalabka Sida ayaa ka hor inta aysan ku ridin xukunka maanta lagu fuliyay raggaas, waxa ay dhagaysatay baarista xeer ilaalinta, dacwad oogista iyo difaaca qareennada Cabdi Cabdiqaadir Maxamed iyo Farxaan Maxamuud Cabdinuur Aadan.
Maalmihii u dambeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa kordhisay fulinta dilalka toogashada ee ay horay u ridday, taas oo aad loo dhaweeyay.
Si kastaba, waxaa weli xabsiyada dowladda ku jira xubno ka tirsan Shabaab iyo askar dilal geysatay, oo iyagana sugaya in la geeyo tiirka cadaaladda, maadaama la xukumay.

