Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wafdi uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda uu dirtay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu uga qayb-galayo shirweyne muhiim ah.
Wasiir Cabdisalaan Cali oo ka qayb-galaya Shir Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Addis Ababa, oo lagu wado in uu maanta si rasmi ah uga furmo shirka oo si gaar ah uga dhacaya Xarunta Midowga Afrika.
Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka, iyada oo Soomaaliya ay madasha la tagi doonto doodeeda ku aadan xaaladaha ay wajaheyso oo ay ugu horreyso arrimaha diblumaasiyadda, gaar ahaan xadgudubka Israa’iil ee madaxbanaanida Soomaaliya, kadib aqoonsigii ay siisay Somaliland.
Wasiirrada ka qayb-galaya shirka waxa ay dib u eegayaan, ajandayaal dhowr ah oo ay ka mid yihiin, warbixinta Shirkii 51aad ee Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC), diyaar-garowga doorashooyinka iyo magacaabista hay’adaha Midowga Afrika, ka-qaybgalka Midowga Afrika ee G20, iyo horumarka laga sameeyay hannaanka SACA.
Sidoo kale inta uu shirku socdo, wasiirku waxa uu kulamo laba-geesood ah la yeelan doonaa dhiggiisa madaxda dalalka Afrika iyo saaxiibada caalamiga ah, kuwaas oo diiradda lagu saari doono horumarinta arrimaha mudnaanta u leh Soomaaliya, gaar ahaan nabadda iyo amniga, iskaashiga gobolka, iyo horumarka waara.
Shir-Madaxeedka sannadkan waxa uu ku qabsoomayaa halku-dhigga ah, Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Amman ah si loo Gaaro Yoolalka Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika, iyadoo la muujinayo muhiimadda istiraatiijiga ah ee badqabka biyaha iyo fayadhowrka, kuwaas oo laf-dhabar u ah horumarka waara iyo barwaaqada qaaradda Afrika.
Horay ururka ayaa si buuxda garab istaag ugu muujiyay Dowladda Federaalka, isaga oo meel adag iska taagay gar-darrada Israa’iil iyo xadgudubka ay kula kacday Soomaaliya.
Si kastaba, Maalmihii uu dambeeyay wasiirka arrimaha dibadda ayaa waday dhaq-dhaqaaqyo culus oo ku aaddan arrimaha diblumaasiyadda, isaga oo xiriiro la sameeyay inta badan saaxiibada Soomaaliya ee gobolka iyo guud ahaan caalamka.


