Borama (Caasimada Online) – Dagaal beeleed u dhaxeeya beelaha Gadabuursi iyo Ciise ayaa maanta mar kale ka qarxay gobolka Salal ee maamulka Somaliland.
Dagaalkan ayaa la sheegay inuu sababay khasaare kala duwan, inkastoo faahfaahin rasmi ah weli aan laga helin, maadaama xaaladdu kacsan tahay.
Dagaalka maanta ayaa imanaya xilli shalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu ku dhawaaqay in heshiis laga gaaray colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Salal, taas oo kasoo bilaabatay joojintii buugga xeer Ciise ee magaalada Saylac.
Dagaalka dib u qarxay ayaa durba waxaa baaq kasoo saaray xisbiyada mucaaradka Somaliland, kuwaas oo beelaha ay colaadu u dhexayso ugu baaqay in ay colaadda joojiyaan oo ay nabad qaataan.
Xisbiyada Kulmiye iyo Kaah ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin colaadda socota, oo ay ku tilmaameen mid laga baaqsan karayay.
“Waa nasiib darro weyn colaadda maanta gobolka ka dhex jirta, dadka walaalaha ah, beelaha wada dega ee dhiigga iyo dhaqanka wadaaga. Waxa aanu ugu baaqaynaa in ay colaadda joojiyaan oo wada-hadal la iskugu yimaado, oo wixii la kala tabanayo laga wada-hadlo,” ayuu yiri Maxamuud Xaashi Cabdi, guddoomiyaha xisbiga Kaah.
Sidoo kale, waxay xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cirro ugu baaqeen inay si degdeg ah u soo afjarto colaadda ka taagan deegaanada galbeedka Somaliland.
“Xukuumadda waxa aanu leenahay, waxa aanu doonaynaa in ay qorshe u samayso nabadaynta gobolka Awdal, kana bilaabato sidii xabbad joojin loo samayn lahaa, sidii ciidamo beeleedyada loo kala durkin lahaa, iyo sidii awood ballaaran oo qaran loogu kala celin lahaa.”
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab, oo maalmihii dambe socdaal ku marayay gobollada ay colaadda ka taagan tahay, ayaa amar kasoo saaray in aan la arki karin dad shacab ah oo hubaysan, isagoo sheegay in aan loo dulqaadan doonin cid kasta oo ku kacda wax nabadda ka hortimaadda.
Wasiirka ayaa sidoo kale markaas saxiixay heshiis nabadgelyo oo lagu sheegay mid lagu soo afjarayo colaadda, kaas oo lala galay odayaasha dhaqanka deegaanada uu maray. Hase yeeshee, sida muuqata, heshiiskaasi ma dhaqan-gelin, iyadoo muddo 24 saac ka yar uu dib u qarxay dagaalka.

