30.9 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda dagaal ee IRAN iyo Trump oo ku dhowaaqay in…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Jimcihii ka digay inuu qaadi karo duqeymo xaddidan oo ka dhan ah Iiraan, xitaa iyadoo diblomaasiga ugu sarreeya Tehran uu sheegay inay rajeynayaan in maalmaha soo socda ay soo bandhigaan qabyo-qoraal heshiis cusub, kadib wada-hadallo dhanka Nukliyeerka ah oo ay la yeesheen Washington.

Mar la weydiiyay in Mareykanku uu qaadi karo tallaabo milateri xilli wada-xaajoodyadu socdaan, Trump wuxuu yiri: “Waxaan filayaa inaan dhihi karo waan ka fiirsanayaa arrintaas.”

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa wareysi uu siiyay teleefishinka ku sheegay in dalkiisu uu qorsheynayo inuu soo dhammaystiro qabyo-qoraalka heshiiska “labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda” si loogu diro Washington.

“Uma maleynayo inay waqti dheer qaadaneyso, malaha asbuuc gudihiis waxaan billaabi karnaa wada-xaajoodyo dhab ah, oo gundhig leh, si aan u gaarno gunaanad,” ayuu Araghchi ku yiri barnaamijka Morning Joe ee taleefishinka MS NOW.

Culeys militari iyo diyaar-garow dagaal

Xiisadda u dhexaysa labadan dal ee cadaawadda ay ka dhexeyso ayaa cirka isku shareertay, iyadoo maamulka Trump uu riixayo in Iiraan ay tanaasul sameyso. Taas beddelkeeda, Washington ayaa gobolka Bariga Dhexe soo dhoobtay ciidamadii ugu badnaa muddo tobanaan sano ah, iyadoo la filayo in maraakiib dagaal iyo diyaarado hor leh ay soo gaaraan gobolka.

Labada dalba waxay bixiyeen calaamado muujinaya inay diyaar u yihiin dagaal haddii wada-hadallada barnaamijka Nukliyeerka Tehran ay fashilmaan.

“Waxaan u diyaar garownay diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si la mid ah sida aan ugu diyaar garownay dagaal,” ayuu yiri Wasiir Araghchi.

Cali Vaez, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha Iiraan kana tirsan Hay’adda Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group), ayaa sheegay in Iiraan ay “tallaabo kasta oo milateri u arki doonto mid halis ku ah jiritaankeeda.”

Vaez waxa uu intaas ku daray inuusan rumeysneyn in madaxda Iiraan ay is-yeel-yeelayaan marka ay ku hanjabayaan inay aargoosan doonaan.

Wasiir Araghchi ayaa sidoo kale sheegay in dhiggiisa Mareykanka aysan dalban in Iiraan ay gabi ahaanba joojiso tayeeynta ama kobcinta Yuraaniyamka wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada, taas oo ka hor-imanaysa waxa ay mas’uuliyiinta Mareykanku si fagaare ah u sheegeen.

“Waxaan hadda ka hadleynaa sidii loo xaqiijin lahaa in barnaamijka Nukliyeerka Iiraan, oo ay ku jirto kobcinta Yuraaniyamku, uu yahay mid nabadeed, weligiisna uu ahaan doono mid nabadeed,” ayuu yiri Araghchi, isagoo raaciyay in Iiraan ay qaadi doonto tallaabooyin kalsooni-dhisid ah si looga qaado cunaqabateynta dhaqaale.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad, oo ka gaabsaday magaciisa, ayaa gaashaanka u daruuray sheegashada Caraqji, isagoo xusay in Trump uu si cad u sheegay in Iiraan aysan yeelan karin hub Nukliyeer ah ama awood ay ku tayeeyso Yuraaniyamka.

Caqabadda Koongareeska

Hadallada madaxweyne Trump ayaa wajihi kara caqabad iyo diidmo uga timaada sharci-dejiyeyaasha Mareykanka, kuwaas oo ku doodaya in madaxweynuhu uu ogolaansho ka helo Koongareeska ka hor inta uusan qaadin wax duqeyn ah.

Senator Tim Kaine oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa Jimcihii sheegay inuu gudbiyay qaraar awoodaha dagaalka ah, kaas oo madaxweynaha ku qasbaya inuu talaabadaas qaado.

Inkastoo ay adag tahay in qaraarkan uu sharci noqdo, haddana wuxuu muujinayaa walaaca ay xildhibaannadu ka qabaan siyaasadda arrimaha dibadda ee gardarrada ku dhisan ee maamulka Trump.

“Haddii qaar ka mid ah saaxiibbaday ay taageerayaan dagaal, waa inay yeeshaan dhiiranaanta ay ugu codeynayaan dagaalka, oo ay isla-xisaabtan kala horyimaadaan bulshada soo dooratay, intii ay ku dhuuman lahaayeen miisaskooda hoostooda,” ayuu yiri Sen. Kaine.  

- Advertisement -

Read more

Local News