Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Deegaanka & Isbadalka Cimilada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo maanta la hadlayay warbaahinta ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray madaxweynaha maamul-goboleedka Puntaland Saciid Deni, kaas oo ku aadan Dastuurka KMG ka ah.
Deni oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa si weyn uga horyimid wax ka beddalka lagu wado Dastuurka, wuxuuna tilmaamay inuu yahay Dastuur ay sameysanayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo guddoomiyaha Baarlamaanka, sida uu hadalka u dhigay.
“Dastuurkan meelaha lagu mal malooqaayo oo dadka la leeyahay ma tagi kartaan cid uu Dastuur u noqonaayo ma jirto runtaa idiin sheegayaa, madaxweyne Xasan Sheekh iyo Aadan Madoobe hadduu Dastuur u noqonaayo ayaga ayay jirtaa, Dalkaan cid aan la aqoon inay qabsadaan ayuu halis ugu jiraa” ayuu yiri madaxweynaha dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Intaas kadib waxaa soo jawaabay Wasiir Bashiir Goobe oo isaguna si weyn u difaacay kooxda Villa Somalia, wuxuuna tilmaamay inuu yahay Dastuur ay leedahay Ummadda Soomaaliyeed, iyaguna ay u yihiin wakiilo la igmaday.
“Madaxweyne Saciid waa nin odey ah madaxda dalka ayuuna kamid yahay waxaana u hayaa xushmad, laakiin sida uu u dhigay ma’aha Dastuurka Xasan Sheekh oo madaxweynaha JFS maleh guddoomiyaha Baarlamaankuna maleh, isaguna maleh. Ummadda Soomaaliyeed-baa iska leh annaguna waxaa nahay wakiiladii dadka uga ahaa inay Dastuurkaan sameeyaan awoodana u lahaa, waana u fadhinaa waana sameyneynaa” ayuu ku jawaabay Wasiir Bashiir.
Sidoo kale wuxuu intaas kusii daray in haatan xildhibaannadu soo gabagabeeyeen doodii socotay ee wax ka beddalka cutubyada 5-aad illaa 9-aad, isla markaana haatan kadib ay ka shaqeyn doonaan ansixinta.
“Hadda waxaa noo soo gabagboobay doodii, guddiga ayuu dib ugu noqonayaa waxaana ku xiga ansixinta Dastuurka kumeel gaarka ah” ayuu sii raaciyay.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyada oo la’isku hayo hannaanka doorashooyinka iyo arrimaha Dastuurka.

