27.8 C
Mogadishu
Saturday, April 25, 2026

War cusub oo kasoo kordhay wax ka beddalka Dastuurka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa soo gabagabeeyay dooddii socotay ee wax ka beddalka Dastuurka, xilli weli ay taagan tahay tabasho ay qabaan xubnaha mucaaradka.

Kulanka maanta oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoomiyey guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehliyaan guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacadde.

Ajendaha kulankan ayaa ahaa sii amba qaadida doodda ku saabsan cutubka 9-aad ee dastuurka KMG ka ah, waxaana xildhibaanada labada Aqal ay dood xasaasi ah ka yeesheen qodobada cutubka sagaalaad ee Dastuuka Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka sare Cali Shacbaan Ibraahim oo goobta ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maanta lasoo gaba gabeeyey ka doodista cutubka 9-aad oo diiradda saarayo Garsoorka, kaas oo ka kooban afar madax iyo 25 qodob oo muhiim ah.

Cali Shacbaan ayaa sidoo kale u mahadceliyey Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka oo ka qayb-galay doodda, inkastoo la ganaaxay xildhibaannada mucaaradka oo hadda ka maqan fadhiyada golaha ee arrimaha Dastuurka.

Arrintan waxaa si wayn uga soo horjeedo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo haatan wada-hadal kula jira Madaxtooyada, kuwaas oo weli ku adkeysanaya ku shaqeynta Dastuurkii 2012-kii, kaas oo hadda wax badan laga beddalay.

Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

- Advertisement -

Read more

Local News