25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Dowladda oo ka hortegtay qorshe ay Al-Shabaab ay ka damacsanaayeen laba gobol

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya howlgallo is-daba joog ah oo Sabtidii ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada NISA iyo saaxibada caalamiga ah aya jab culus lagu gaarsiiyay Khawaarijta, iyada oo laga dilay in ka badan 40 dhagarqabe, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay taliska.

“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa fuliyay howlgallo qorsheysan, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Khawaarijta oo abaabul iyo dhaq-dhaqaaqyo dagaal ka waday Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Hoose, waxaana la dilay in ka badan 40 dhagarqabe” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Howlgalka koowaad ayaa si gaar ah uga dhacay aagga deegaannada Waab-weyn iyo isgoyska madaxyo-weyn ee hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyada oo lagu beegsaday xubno loo diyaarinayay in ay weerarro ka fuliyaan deegaannada ku dhow Maxaas. Howlgalkaas ayaa lagu dilay ilaa 17 dhagarqabe, waxaaana sidoo kale lagu burburiyay goobo ay gabbaad ka dhiganayeen Khawaarijta, sid lagu sheegay warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, weerar kale oo guul kuoo dhammaaday ayaa ciidanka NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen howdka deegaanka Buulo-naagey ee gobolka Shabeellada Hoose, waxaana lagu soo afjaray 23 Shabaab ah oo lagu soo daabulay halkaas si ay u carqaladeeyaan  isu-socodka amniga ee gobolka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lasii raaciyay “Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay kor u qaadday dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada, isla markaana lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA”.

Maalmihii u dambeeyay ayaa dowladda Soomaaliya & saaxibada caalamiga ah waxa ay kordhiyeen beegsiga ay ku hayaan maleeshiyada Khawaarijta, iyada oo jab lagu gaarsiiyay howlgallo ka kala dhacay koonfurta iyo bartama dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii howl-gal si gaar ah loo qorsheeyay uu ka dhacay  degmada Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaas oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Sahal Iidle  (Abuu Usaama), wuxuuna aad ugu dhawaa hoggaamiyaha guud ee kooxda Axmed Diiriye.

- Advertisement -

Read more

Local News