28.6 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Golaha Mustaqbalka oo si adag u diiday go’aanka BF ee dastuurka, kuna dhawaaqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u diiday waxa loogu yeeray wax-ka-beddelka dastuurka ee maanta uu ansixiyay Baarlamaanka Soomaaliya.

Golaha ayaa sheegay in go’aanka maanta kasoo yeeray guddoonka Baarlamaanka kadib codeyn la sheegay in loo qaaday dhameystirka dastuurka, lagu fuliyay hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka (2/3) ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

“Hannaanka maanta lagu sheegay in lagu ansixiyay wax-ka-beddelka dastuurka ma buuxin shuruudahaas; lama xaqiijin aqlabiyadda dastuuriga ah ee loo baahan yahay, lamana ixtiraamin xeer-hoosaadyada Baarlamaanka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu yiri: “Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo sal adag leh.”

Golaha Mustaqbalka ayaa ku dhawaaqay in uu aqoonsan yahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee 2012, kaas oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka baarlamaaniga ah iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, laguna maro heshiis qaran oo dhab ah.

“Goluhu wuxuu caddeynayaa in mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweyne Xasan Sheekh, oo hormuud ka ah hannaan xoog iyo laaluush ku beddelka dastuurka, kaas oo muran badan dhaliyay, xilli ay Soomaaliya wajahayso caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin:”

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu si adag u diidayaa waxa loogu yeeray wax-ka-beddelka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo lagu fuliyey hannaan si cad u jebinaya habraacyada dastuuriga ah, xeer-hoosaadyada Baarlamaanka, iyo shuruudda aqlabiyadda laba-meeloodka ah (2/3) ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Dastuurku waa heshiis bulsho oo aasaas u ah dowladnimada iyo wadajirka ummadda, lagumana beddeli karo rabitaan siyaasadeed oo cid gaar ah ama koox yar.

Wax-ka-beddel kasta oo dastuur waa in lagu sameeyaa hab sharci oo cad, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, wadatashi dadweyne oo macno leh, iyo u hoggaansanaan buuxda oo la siiyo habraacyada uu dastuurku dhigayo.

Hannaanka maanta lagu sheegay in lagu ansixiyey wax-ka-beddelka dastuurka ma buuxin shuruudahaas, lama xaqiijin aqlabiyadda dastuuriga ah ee loo baahan yahay, lamana ixtiraamin xeer-hoosaadyada Baarlamaanka.

Intaa waxaa dheer, waxaa jira eedeymo la xiriira cadaadis siyaasadeed, qardajeex iyo cod-iibsasho, kuwaas oo dhaawacaya kalsoonida lagu qabi karo hay’adda sharci-dejinta.

Wax-ka-beddelkan waxaan ka hor yimid dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Sidoo kale, in ka badan 50 xildhibaan ayaa laga hor istaagay inay ka qayb-qaataan doodaha Baarlamaanka ee la xiriira arrintan.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo ay ku jiraan madax hore oo qaran iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo saameyn ballaaran ku leh bulshada, ayaa iyaguna si cad u diiday hannaankan.

Dastuur lagu beddelo cadaadis, laaluush iyo habraac ka leexsan sharciga ma noqon karo dastuur qaran oo mideeya ummadda Soomaaliyeed, mana yeelan karo sharciyad siyaasadeed oo lagu dhisi karo dowladnimo saldhigata.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu caddeynayaa in mas’uuliyadda siyaasadeed iyo tan dastuurba ay si toos ah u saaran tahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo hormuud ka ah hannaanka xoog iyo laaluush ku beddelka dastuurka ee muranka badan dhaliyey, xilli ay Soomaaliya wajahayso caqabado waaweyn oo ay ka mid yihiin:

a) Abaaro ba’an iyo xaalado bini’aadantinimo
b) Xaalad dhaqaale oo soo adkaanaysa
c) Khataraha amni ee ka imanaya kooxaha argagixisada
d) Iyo cadaadis juqraafi-siyaasadeed oo ku sii kordhaya gobolka

Waxaa dalka looga baahan yahay midnimo qaran, wadajir siyaasadeed iyo hoggaan mideeya shacabka Soomaaliyeed. Hannaanka sharci-darrada ah ee lagu beddelayo dastuurka wuxuu halis gelinayaa:

1- Midnimada qaranka iyo wadajirka bulshada
2- Isku-duwidda dadaallada la-dagaallanka argagixisada
3- Suurtagalnimada heshiis doorasho oo loo dhan yahay
4- Guulihii laga gaaray nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada

Sidaa darteed, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ugu baaqayaa:

1. Dowlad-goboleedyada, saamilayda siyaasadda, iyo hoggaanka Baarlamaanka inay difaacaan nidaamka dastuuriga ah iyo sharciga dalka.

2. Hoggaamiyeyaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada, bulshada rayidka ah iyo qurbo-joogta Soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan jebinta dastuurka. Aamusnaanta waqtigan waxay u dhigantaa oggolaansho dadban oo lagu burburinayo dastuurkii lagu heshiiyey.

3. Beesha caalamka waa in si cad oo fagaare ah u muujiyaan mowqifkooda ah in wax-ka-beddel kasta oo dastuur uu noqdo mid sharci ah, loo dhan yahay, hufan, kuna dhisan heshiis qaran.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu mar kale caddeynayaa inuu aqoonsan yahay Dastuurka Ku-Meelgaarka ah ee 2012, oo ah heshiiska qaran ee saldhigga u ah midnimada dalka, federaalka, awood-qaybsiga, nidaamka Baarlamaaniga iyo doorashooyinka afarta sano mar, ilaa wax-ka-beddel kasta lagu sameeyo si sharci ah, loo dhan yahay, loona maro heshiis qaran oo dhab ah.

DHAMMAAD

- Advertisement -

Read more

Local News