Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaaf culus oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa haatan banaanka usoo baxay, iyada oo la dareemayo dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo ay wadaan labada dhinac, kuwaas oo ka socda Muqdisho iyo Baydhaba.
Khilaafka ayaa toos bannaanka u yimid kadib dagaallo ka qarxay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, kuwaas oo uu dhexeeya ciidamada amniga iyo kuwo daacad u ah mucaaradka la magac baxay ‘Badbaadada Koonfur Galbeed.
Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa shalay ka dhacay degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay, iyada oo degmadaas lagala wareegay hoggaanka Laftagareen, waxaana qabsaday ciidamo hubeysan oo ka tirsan kuwa mucaaradka.
Dhinaca kale, Dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyay inay lug ku leedahay xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed, waxaana xildhibaanno kasoo jeeda deegaanka ay sheegeen inay hurineyso colaadda haatan soo cusboonaatay.
Senator Aadan Cabdinaasir oo qoraal soo saaray ayaa ku eedeeyey dowladda dhexe in ay burburineyso nidaamka Federaalka, ayna cunaqabateyn saareyso shacabka ku dhaqan deegaannada maamulkaasi, sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa ayaan darro ah dagaalkii qudba sirada ahaa ee Dowladda Federaalka in ay maanta u badashay in ay cunaqabateeyaan shacabka Koonfur Galbeed marki ay ku fashilmeen wasiiradii lasoo adeegsaday ee ka shaqeynayay kicinta qabaa’ilka, furfurka ciidamada, iyo in ay colaad ka dhex huriyaan shacabka dhexdooda,” ayuu yiri Cabdinaasir.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Walee waxaan arkaa wixi ay ka digayeen Jubaland iyo Puntlad ee ahaa burburinta Federaalka”.
Dhinaca kale, warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Muqdisho looga yeeray saraakiisha Ciidanka Xoogga iyo kuwa Nabadsugida ee ka howlgala gobollada Baay iyo Bakool, si loola sameeyo la-tashi ku aaddan xaaladda soo korortay.
Si kastaba, arrimahan ayaa kusoo aadayo ayada oo weli khilaaf xooggan uu ka taagan yahay qabashada doorashada hoggaanka Koonfur Galbeed, maadaama uu mar hore muddo xileedkii ka dhammaaday madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen.

