28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Xog: Muxuu salka ku hayaa khilaafka Xasan Sheekh iyo Lafta-gareen? + Qorshaha DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wajahaya mid ka mid ah imtixaannadii siyaasadeed ee ugu adkaa mudda xileedkiisan, kadib markii uu sii xoogeystay khilaafka iyo is-faham waaga kala dhexeeya Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Isku dhacan ayaa furin cusub ka dhex furay dagaalka siyaasadeed ee dalka ku baahsan, kaas oo salka ku haya wax-ka-beddelka dastuurka, hannaanka doorashooyinka, iyo awood-qaybsiga dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Xasaraddan ayaa dalka ku soo beegantay xilli xasaasi ah, maalmo uun kadib markii baarlamaanka federaalku uu 5-tii bishan Maarso ansixiyay qodobbo dastuuri ah oo lagu muransan yahay, kuwaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu saxiixay 8-dii Maarso si ay xeer rasmi ah u noqdaan.

Sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin heer gobol ah, xildhibaanno, iyo ilo-wareedyo siyaasadeed, dhimbisha ugu weyn ee hurisay xiisadda taagan ayaa ahayd go’aankii Laftagareen uu taageeradiisa ugala laabtay ololaha wax-ka-beddelka dastuurka ee dowladda federaalka.

Sidoo kale, wuxuu qaadacay taageeradii uu siinayay doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee bartamaha bisha Abriil laga qorsheeyay maamul-goboleedyada xulafada la ah Muqdisho.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia ay tan iyo xilligaas kordhisay culeyska siyaasadeed ee ay ku hayso magaalada Baydhaba.

Tallaabo taasi ka dhalatay, maamulka Koonfur Galbeed ayaa adkeeyay amniga Baydhaba iyo magaalooyinka kale, iyagoo ka cabsi qaba in la soo maleego olole awoodda looga wiiqayo ama gabi ahaanba xilka looga tuurayo hoggaanka maamulkaas. Khilaafkan ayaa si degdeg ah uga gudbay habraac siyaasadeed, isagoo isku beddelay loolan awoodeed oo baaxad leh.

Siyaasiyiin ku kala sugan Muqdisho iyo Baydhaba ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta federaalku ay isku dayeen inay kala furfuraan xarumaha awoodda ee gobolka, caqabad ku noqdaan ilaha dhaqaalaha, isla markaana ay isku dayaan inay farageliyaan silsiladda taliska amniga ee Koonfur Galbeed.

Madaxda maamulkaas ayaa wasiirro aad ugu dhow Madaxtooyada ku eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayaan arrimahooda gudaha, ayna maalgelinayaan garabyo siyaasadeed oo iska soo horjeeda. Inkastoo eedeymahaas aan si madax-bannaan loo xaqiijin karin, haddana waxay iftiiminayaan kalsooni-darrada qoto dheer ee haatan haraysay xiriirka labada dhinac.

Waxaa xusid mudan in arrinta xiisaddan ka dhigaysa mid aad u xasaasi ah ay tahay in ilaa dhowaan, Laftagareen uu safka hore kaga jiray xulafada ugu daacadsan ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku leeyahay dowlad-goboleedyada.

Bilooyin badan, wuxuu si buuxda u taageersanaa qorshaha madaxweynaha ee ah in Soomaaliya laga saaro nidaamka doorasho ee dadban ee ku saleysan hab-qabiilka, loona guuro doorashooyin qof iyo cod ah oo shacabku ka qaybgalaan.

Mashruucaas doorashooyinka qof iyo codka ah ayaa dardar horleh yeeshay markii ay Muqdisho ansixisay sharcigii 2024-ka ee dib u soo celinayay doorashooyinka guud. Waxaa arrintaas sii xoojiyay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee caasimadda ka qabsoomay bishii Diseembar ee sanadkii 2025, taas oo ahayd doorashadii ugu horreysay ee toos ah oo Muqdisho ka dhacda tan iyo sanadkii 1969-kii.

Balse, ololahan dib-u-habeynta ah ayaa weli ah mid si weyn isha loogu hayo oo lagu muransan yahay, iyadoo xubnaha mucaaradku ay ka digayaan in jadwalka dowladda u degan uusan ahayn mid xaqiiqada la jaanqaadaya, aakhirkana uu keeni karo in doorashooyinka qaranku ay dib u dhacaan.

Loolanka ka taagan Koonfur Galbeed ayaa aad uga baaxad weyn kursi madaxtooyo oo goboleed. Baydhaba waa mid ka mid ah xarumaha siyaasadeed ee ugu xasaasisan Soomaaliya, waxayna muddo dheer soo bandhigtay daldaloolada iyo khaladaadka ku jira nidaamka federaalka.

Laftagareen qudhiisa ayaa awoodda ku yimid doorasho goboleed la qabtay sanadkii 2018-kii, taas oo uu ku guuleystay murashaxii ay Muqdisho wadatay xilligaas. Guushiisu waxay ka dambeysay toddobaadyo ay xiisado iyo dhiig-bax ka jireen Baydhaba, kadib markii tartanka laga reebay ku-xigeenkii hore ee ururka Al-Shabaab, Mukhtaar Roobow.

Dad badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa aaminsanaa in doorkii dowladda federaalku uu ahaa mid go’aamiyay natiijada, iyadoo falanqeeyayaashu ay ka digeen in aragti kasta oo muujinaysa in Muqdisho ay xoog ku soo rogayso hoggaamiye goboleed ay dhalin karto xasillooni darro.

Ilo siyaasadeed ayaa xaqiijinaya in Muqdisho ay rajeynaysay in Laftagareen uu si fagaare ah u taageero isbeddeladii ugu dambeeyay ee dastuurka, gacan weyna ka geysto hirgelinta mashruuca doorashada federaalka ee gudaha Koonfur Galbeed.

Beddelkeeda, diidmadiisu waxay madaxtooyada ku reebtay waji-gabax ah in maamul-goboleed kale oo muhiim ah uu u xuub-siibto inuu si furan uga horyimaado dowladda dhexe.

Diblomaasiyadda gobolka Geeska Afrika ayaa iyaduna xiisaddan ku kordhisay weji kale oo xasaasi ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa toddobaadkan u safray dalka Jabuuti si uu uga qaybgalo shir saddex geesood ah oo uu la yeeshay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulankan ayaa lahaa muhiimad gaar ah, marka la eego in Baydhaba ay joogaan ciidamada Itoobiya oo gaashaan weyn u ah maamulka Lafta-garee. Sidaas darted, loolan kasta oo gudaha Baydhaba ka dhaca waa mid ay qasab tahay in Itoobiya ay qeyb ka tahay, dhinaca ay raacdana uu muhiim yahya.

Si kastaba, loolanka ka taagan Baydhaba ayaa si degdeg ah u noqonaya imtixaankii ugu caddaa ee lagu ogaan lahaa in tijaabada dastuuriga ah ee Soomaaliya ay xoojin doonto dowladnimada, iyo in ay dalka dib ugu celin doonto wareeg cusub oo colaad iyo iska horimaad ah.

- Advertisement -

Read more

Local News