28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Senatorrada Koonfur Galbeed oo caddeeyay mowqifkooda lana saftay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Senatorrada laga soo doortay Koonfur Galbeed oo bayaan wadajir ah soo saaray ayaa caddeeyay mowqifkooda ku aadan xaaladda maamulkaas, gaar ahaan khilaafka Muqdisho iyo Baydhaba.

Senatorada ayaa marka hore si buuxda taageero wayn ugu muujiyay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, gaar ahaan go’aankii uu maanta soo saaray ee xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Anaga oo ah senatarada laga soo doortay Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed, waxaan si buuxa u taageereynaa go’aanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed”. ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Senatorrada ayaa shaaca ka qaaday in go’aanka Koonfur Galbeed uu ka dhashay faragelin ay dowladdu ku sameysay maamulka iyo dhibaato ka dhalatay weeraro abaabulan oo ka dhacay deegaannada Koonfur Galbeed.

“Waxaan caddeyneynaa in go’aanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee ku saabsan hakinta xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid ka dhashay faragelin soo noqnoqotay oo waxyeello u gaysatay nidaamka dowladnimada iyo xasiloonida deegaanka” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo ay ugu baaqeen dowladda dhexe inay ixtiraamto nidaamka Federaalka, isla markaana ay faragelinta ka dayso Koonfur Galbeed.

Goor sii horreysay xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ku ah Laftagareen ayaa iyaguna soo saaray warsaxaafadeed kale oo ay ku diideen go’aanka soo baxay ee gebi ahaan xiriirka loogu jaray Dowladda Federaalka.

Xildhibaannadaas ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda dhexe in ay tallaabo deg-deg ah ka qaado Koonfur Galbeed, isla markaana ay farogelis, si loo badbaadiyo maamulka, loogana qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.

Si kastaba, ha’ahaatee xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa sii xoogeysaneysa, iyada oo meelaha qaar ay ka dhacayaan dagaallo toos ah, halka deegaanno kale laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

- Advertisement -

Read more

Local News