28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Hogaamiyaha Iiraan Mojtaba Khamenei oo kasoo jawaabay codsi ay u direen laba dal

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) — Hoggaamiyaha cusub ee ugu sarreeya dalka Iiraan ayaa diiday soo-jeedino lagu qaboojinayo xiisadda oo ay xukuumadda Tehran soo gaarsiiyeen dhinacyo dhex-dhexaadiyeyaal ah, wuxuuna ku adkeystay in marka hore la qasbo Mareykanka iyo Israa’iil si ay “jilbaha dhulka ugu dhigaan,” sida uu Talaadadii xaqiijiyay sarkaal sare oo Iiraani ah.

Aayatullaahi Mojtaba Khamenei ayaa yeeshay fadhigiisii ugu horreeyay ee siyaasadda arrimaha dibadda tan iyo markii loo magacaabay xilka hoggaamiyaha sare.

Sarkaalka ayaa xusay in hoggaamiyuhu uu qaatay mowqif aargoosi oo ka dhan ah Mareykanka iyo Israa’iil, kaas oo uu ku sifeeyay mid “aad u adag oo dhab ah,” in kasta oo uusan caddeyn inuu fadhigaas shakhsi ahaan uga qaybgalay iyo inuu khadka fogaan-aragga uga soo muuqday.

Sarkaalkan sare, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo xasaasi ah, ayaa xaqiijiyay in laba dal oo dhex-dhexaadiyeyaal ah ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan soo gaarsiiyeen soo-jeedino ku aaddan “yareynta xiisadda ama xabad-joojin lala galo Mareykanka.” Sarkaalku ma bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan nuxurka dalabyadaas iyo waddamada soo gudbiyay toona.

Jawaabta hoggaamiyaha sare ayaa noqotay mid adag oo aan tanaasul lahayn, isagoo caddeeyay inuusan hadda ahayn “waqtigii saxda ahaa ee nabadda, ilaa Mareykanka iyo Israa’iil jilbaha loo laabo, ay qirtaan jabkooda, bixiyaanna magdhow buuxa.”

Nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, hoggaamiyaha sare ayaa leh go’aanka kama dambeysta ah ee dhammaan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Ilaa hadda lama baahin wax muuqaallo ama sawirro cusub ah oo muujinaya Aayatullaahi Mojtaba tan iyo markii uu golaha wadaaddadu doortay in ka badan toddobaad ka hor, si uu u beddelo aabbihiis Aayatullaahi Cali Khamenei.

Khilaaf ayaa ka taagan xaaladdiisa caafimaad ee dhabta ah; qaar ka mid ah saraakiisha Iiraan ayaa sheegay inuu dhaawac fudud ka soo gaaray duqeymihii lagu dilay aabbihiis, halka saraakiisha Mareykankuna ay tibaaxeen inuu qabo dhaawacyo aad u culus.

Dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen Iiraan ayaa haatan galay toddobaadkiisii saddexaad, iyadoo ay ku dhinteen ugu yaraan 2,000 oo qof, mana muuqato saan-saan muujinaysa inuu dhowaan dhammaanayo.

Dhanka kale, marinka muhiimka ah ee Hormuz ayaa weli u xiran si weyn. Tallaabadan ayaa culeys weyn abuurtay kadib markii xulafada Mareykanka ay iska diideen dalab ka yimid Madaxweyne Donald Trump oo ahaa inay gacan ka geystaan dib-u-furidda marin-biyoodkan istaraatiijiga ah, taas oo cirka u dirtay qiimaha tamarta, abuurtayna cabsi baahsan oo la xiriirta sicir-barar dhaqaale.

Fariintiisii ugu horreysay ee fagaare ah tan iyo markii la doortay, taas oo toddobaadkii hore laga akhriyay telefishinka dowladda, ayuu hoggaamiyaha cusub ku amray in Marinka Hormuz uu sii xirnaado si uu u noqdo aalad cadaadis oo loo adeegsanayo “cadowga Iiraan.”

Arrintan ayaa imaneysa xilli saddex ilo wareed ay 14-kii Maarso wakaaladda wararka ee Reuters u xaqiijiyeen in maamulka Trump uu iska diiday dadaallo ay wadeen dalalka xulafada la ah ee Bariga Dhexe, kuwaas oo doonayay in la billaabo wada-xaajoodyo diblomaasiyadeed oo si degdeg ah loogu soo afjarayo dagaalka Iiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News