Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamadii maamulka Koonfur Galbeed ee ku sugnaa caasimadda rasmiga ah ee Baraawe ayaa doonyo ku gaaray xeebaha Kismaayo ee maamulka Jubaland.
Tan ayaa imaneysa xilli ay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya isku sii fidinayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay kasii dareyso xiisadda labada dhinac.
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale la sheegaya inay dhaq-dhaqaaqyo culus ka wadaan gobollada Bay iyo Bakool kadib markii maamulka Koonfur Galbeed uu xoojiyay gacanta ku haynta magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ka socoto qaban-qaabada doorasho dadban.
Dowladda Federaalka ayaa ciidamo dheeraad ah u daad-gureysay dhinaca Baraawe, si ay iskugu furaan Xamar ilaa Baraawe, ugana sameystaan halkaasi saldhig cusub.
Qorshahan ayaa sidoo kale loo fasiray inuu yahay “Plan B” oo ay dowladda diyaarsatay, iyadoo Baraawe loo arko meel laga qaadi karo howlgalka haddii xaaladda Baydhabo ay sii adkaato.
Tani waxay muujineysaa in dowladda ay ka shaqeyneyso laba waji oo istaraatiijiyadeed si loo xakameeyo xaaladda kala soo darsi karta maamulka Koonfur Galbeed, oo isagu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka, isla markaana ay u imaan karin wax ka socda.
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya xogaha tilmaamaya in dowladda ay go’aansatay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, iyadoo tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo amni labadaba la qorsheynayo.
Xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo dowladda ay ku doonayso in ay ku xakameyso siyaasadda Koonfur Galbeed, xilli dalka ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada.
Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.

