28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Doon ay leedahay Iiraan oo lagu weeraray meel u dhow xeebaha Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa doon ay leedahay Iiraan oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray xeebaha Soomaaliya, kadib markii ay beegsadeen kooxo hubeysan.

Doonta ayaa la weeraray xilli ay ku sugneyd meel 400 Neyutikal meyl kaga beegan xeebaha magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay howlgalka badda ee Ururka Midowga Yurub.

Sidoo kale warbixin kasoo baxday xarunta amniga badda ee Badweynta Hindiya ayaa lagu sheegay in doonta ay la wareegeen kooxda hubeysan oo la tuhmayo in ay yihiin burcadbadeed Soomaali ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigtay doonidaas, waxaana hadda socda baadi goob ku aadan halka la geeyay.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan weerarka lagu qaaday doonida Iiraan ee ka dhacay meel aan sidaas uga fogeyn xeebaha Soomaaliya, taas oo keentay walaac horleh, maadaama hadda Iiraan ay ku jirto dagaal ba’an oo ka socda bariga dhexe.

Dhacdadan ayaa soo cusbooneysiineysa halista burcadbadeedda oo si tartiib tartiib ah usoo rogaal celineysa, taas oo khatar ku ah amniga biyaha Soomaaliya.

Si kastaba dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ayaa dhankooda wada dadaallo wadajir ah oo ay isaga kaashanayaan sidii meesha looga saari lahaa gebi ahaan burcadbadeedda oo loo arko khatar wayn oo saameyn karta isku socodka maraakiibta iyo doomaha isticmaala xeebaha Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News