28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Muxuu mucaaradka ka yiri xabsi guriga Taliye SHUB?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u cambaareeyay xabsi guriga la galiyay taliyiihii hore ee ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Shub) oo shalay uun xilkaas laga qaaday.

Xisbiga ayaa sheegay in falkan uu u arko aargoosi iyo qafaal siyaasadeed oo loo gaystay taliyihii ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Mahad Cabdiraxmaan Aadan, wuxuuna ugu baaqa madaxweynaha inuu joojiyo tallaabooyinka noocaan oo kale ah.

“Tani waa dhaqan ku cusub nidaamka dowladnimada, waxayna keeni kartaa cawaaqib-xumo aan la mahdin, wuxuuna xisbiga Himilo Qaran ugu baaqayaa madaxweynaha uu muddo xileedkiisu sii dhammaanayo inuu joojiyo tallaabooyinka gurracan” ayaa lagu yiri warsaxafadeedka kasoo baxay xisbiga.

Dhinaca kale, siyaasiga mucaaradka Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa isaguna ka horyimid go’doominta taliye Mahad Shub, isaga oo falka lagula dhaqaaqay ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.

“Waxaan si adag u cambaaraynayaa xil ka qaadista argoosiga siyaasadeed ah iyo xabsi guriga la geliyey Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya. Waa wax aan la aqbali karin oo sharciga, diinta, iyo dhaqanka suuban ee Soomaalida ka baxsan in shakhsi loo bartilmaameedsado inuu xidid ama xigto la yahay qof kale oo uu khilaaf siyaasadeed kaala dhexeeyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale, wuxuu ku daray “Falkan noocaan oo kala ah wuxuu xuseesteenna dib ugu celinaysa xilliyadii hoggaamiye kooxeedka ee xisaabta siyaasadda lagu xallin jiray isbaaro, afduub iyo madaxfurasho. Waa dhaqan haraadi ah oo ka baxsan mabaadi’da cadaaladda iyo saldhigga akhlaaqeed ee dowladnimada”.

Warsame ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay muujineyso halis wayn oo wiiqeysa dowladnimada, sidoo kalena dhaaweceysa kalsoonida shacabka.

“Waa in si degdeg ah Janaraal Mahad xabsi guriga looga sii daayo, loona soo celiyo xoriyaddiisa, karaamadiisa, iyo xuquuqdiisa oo buuxda. Dhaqankani waa mid wiiqaya dowladnimada, sii xoojinaya kala qeybsanaanta, dhaawacayana kalsoonida shacabka”. ayuu mar kale Xildhibaanku.

- Advertisement -

Read more

Local News