Gaarisa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in maanta maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ay weerarro ku qaadeen xeryo ay ciidanka Kenya ku leeyihiin aagga magaalada Gaariga, halkaas oo ay sidoo kale ku dagaalameen labada dhinac.
Weerarrada oo is xigay ayaa waxaa lagu beegsaday laba xero oo ciidanka ay ku lahaayeen deegaanka Boodaaye oo hoostaga Gaarisa, iyada oo kadib dagaal toos ah uu dhex-maray Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo Kenya.
Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaal xooggan uu meesha ka dhacay, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, balse aysan xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha rasmiga ah.
Al-Shabaab oo bayaan soo saartay ayaa guullo waa wayn ka sheegatay dagaalka, waxayna shaacisay in weerarrada ay u dhaceen sidii loo qorsheeyay, isla markaana ay muddo kooban dagaalyahannooda ay la wareegeen xeryahaas, sida ay hadalka u dhigeen.
Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca milatariga Kenya oo ku aadan dagaalka ka dhacay deegaanka Boodaaye ee ay guusha ka sheegatay kooxda Al-Shabaab, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan.
Kooxda ayaa muddooyinkan kordhisay weerarrada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, waxaana ay ahayd todobaadkii hore markii ay qarax miino oo ka dhacay duleedka Dhadhaab ay ku dishay 4 askari oo uu ku jiro sarkaal sare, halka ay ku dhaawacmeen 11 kale oo saarnaa gaari ku socdaalayay halkaasi.
Weerarradan ayaa ku soo aadaya, xilli dhankooda ciidamada Kenya ay kordhiyeen roondooyinka amni ee ka dhanka ah Al-Shabaab, si ay uga hortegaan suurtagalnimada qaraxyo iyo weerarro ka dhaca xadka labada dal.

