Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee TUBSAN, Cali Yaasin Gurbe, ayaa loo doortay xubinnimada guddiga sare ee GCERF (Global Community Engagement and Resilience Fund), oo ah hay’ad caalami ah oo taageerta dadaallada lagu xoojinayo adkeysiga bulshada iyo ka hortagga xagjirnimada rabshadaha leh, waxaana kursigan muhiimka ah ay Dowladda Federaalka kala wareegtay Kenya oo horay u metaleysay Soomaaliya, taas oo ka dhigan inay soo ceshatay xubinnimadeeda GCERF.
Doorashadan ayaa ka dambeysay shir heer sare ah oo ay GCERF ku qabatay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, kaas oo ay ka qeybgaleen madax iyo wakiillo ka socday dalal ku yaalla Afrika, Yurub, Aasiya iyo Bariga Dhexe.
Cali Yaasin Gurbe, Agaasimaha Guud ee TUBSAN ayaa xafiiska kala wareegay dhiggiisa Kenya, Kibiego Rotich, oo isku hayay metelaadda dalalka Soomaaliya, Kenya iyo Mozambique ee guddiga sare ee hay’adda GCERF.
Tallaabadan ayaa ka dhigeysa in Xarunta Qaran ee Tubsan ay door hoggaamineed ku yeelato madal caalami ah oo ka shaqeysa xoojinta adkeysiga bulshada iyo ka-hortagga xagjirnimada rabshadaha leh, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya ka mid noqotay hoggaanka hay’adda GCERF.
GCERF waa hay’ad caalami ah oo taageerta barnaamijyada lagu xoojinayo ka-qaybgalka bulshooyinka, adkeysiga iyo dadaallada lagu yaraynayo khatarta xagjirnimada rabshadaha leh, gaar ahaan waddamada ay saameeyeen colaadaha iyo caqabadaha dhanka dowladnimada.
Ku-biiritaanka Soomaaliya ee guddiga sare ee hay’adda ayaa loo arkaa mid muujinaysa kororka doorka dalka ee fagaarayaasha caalamiga ah ee la xiriira nabadda, amniga iyo xasilloonida bulshada, iyadoo Xarunta Qaran ee Tubsan ay hormuud ka tahay dadaalladaas.
Shirka xiga ee guddiga sare ee GCERF ayaa lagu wadaa in lagu qabto magaalada Tokyo ee dalka Japan.


