Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee uu hoggaamiyo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyay inuu aqbalay is-casilaaddii Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa.
Odowaa oo ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga JSP ayaa shalay iska casilay xilkaasi iyo xubinnimadii xisbiga, sida uu ku shaaciyay warsaxaafadeed uu soo saaray.
“Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu si rasmi ah ugu wargelinayaa shacabka Soomaaliyeed, taageerayaasha, iyo dhammaan xubnaha in Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa uu soo gudbiyay istiqaaladdiisa xilka Xoghayaha Guud ee Ururka, isla markaana uu ka tanaasulay xubinnimadii uu kaga tirsanaa Ururka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay JSP.
Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Haddaba iyadoo taas laga duulayo, JSP wuxuu caddeynayaa inuu si rasmi ah u aqbaley iscasilaaddaas Xoghayihii hore.”
Xisbiga ayaa sheegay in booska Xoghayaha Guud ee uu baneeyay Xildhibaan Odowaa loo soo buuxin doono sida ugu dhaqsaha badan, iyadoo la marayo habraacyada iyo nidaamka rasmiga ah ee u yaalla JSP, si loo xaqiijiyo sii socoshada shaqada iyo waajibaadka Ururka.
“Si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka u degsan ururka, hoggaanka ururku wuxuu booskaas Xoghayaha Guud u soo buuxin doono sida ugu dhaqsaha badan. Ururka waxa uu leeyahay barnaamij siyaasadeed iyo aragti fog oo ku wajahan dowlad dhiska, dimuqraadiyadda, xoojinta midnimada iyo xasilloonida dalka.”
Sidoo kale, waxaa warsaxaafadeedka lagu sheegay in xisbiga uu si gaar ah u xoojinayo doorka dhalinyarada, haweenka, si ay uga qeyb qaataan hoggaanka, go’aan-qaadashada iyo dhismaha mustaqbalka dalka, si xukunka iyo talada dalka loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed.
“Ururka Cadaaladda iyo Wadajirka (JSP) wuxuu u mahadcelinayaa Mudane Cabdiraxmaan Odowaa muddadii uu ka soo shaqeeyay Ururka, dadaalkii iyo waqtigii uu geliyay howlaha Ururka, isagoo u rajeynaya mustaqbal wanaagsan iyo guul.”


