Baydhabo (Caasimada Online) – Xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa saaka lagu daadiyay ciidamo aad u hubeysan oo intooda badan wajiyada qarsaday, kuwaas oo si weyn u xaddiday dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadweynaha, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.
Dadka ku nool magaalada Baydhabo ayaa sheegay in meel kasta oo magaalada ah lagu arkayo ciidamadan oo wata gaadiid dagaal, isla markaana xiray qaybo kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee dhexmara xaafadaha magaalada.
Ciidamadan ayaa si gaar ah u adkeeyay ammaanka xarumaha dowladda, isgoysyada waaweyn iyo waddooyinka gala madaxtooyada Koonfur Galbeed, iyadoo dadka rayidka ah mararka qaar lagu amrayo inay ka leexdaan waddooyin ay hore u isticmaali jireen.
Ujeedka rasmiga ah ee ka dambeeya ciidamadan lagu soo daadiyay magaalada weli si cad looma shaacin, hase yeeshee waxaa jira warar kala duwan oo arrintan la xiriira, kuwaas oo sheegaya in ay la xiriirto qorshe doorasho oo uu qabanayo Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).
Warar kale ayaa sheegaya in maamulka Laftagareen uu dareemayo culays dhinaca amniga ah, taasoo sababtay in la kordhiyo ciidamada magaalada lagu daadiyay si loo xoojiyo amniga guud ee xarunta gobolka Baay, gaar ahaan xilligan ay kacsan tahay xaaladda siyaasadeed.
Dhanka kale, waxaa la soo sheegayaa in dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka socdaan duleedka magaalada Baydhabo, kuwaas oo ay wadaan kooxo mucaarad ah oo kasoo horjeeda maamulka Laftagareen, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin karin awooddooda iyo halka ay ku sugan yihiin.
Dadka deegaanka ayaa muujinaya cabsi la xiriirta xaaladda amni ee magaalada, iyagoo ka baqaya in iska horimaad ciidan uu ka dhaco Baydhabo, maadaama xiisadda siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyada ciidan ay sare u kaceen, isla markaana laga cabsi qabo in dagaal uu qarxo waqti kasta.

