Muqdisho (Caasimada Online) – Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), qeybna ka ahaa howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AUSSOM ayaa xabsiga la dhigay kadib markii dowladda Uganda ay dacwad ku soo oogtay.
Saddexda sarkaal oo kala ah Korneyl George Buga Andruca, oo hore u ahaa taliyaha cutubka duulista ee UPDF ee ka howl-galayay Soomaaliya; Major Benjamin Kashumbusha, oo ahaa sarkaal howlgallo fulin jiray isla cutubkaasi; iyo Lieutenant Henry Gygenda, oo ahaa injineer ka tirsan cutubka duulista, ayaa loo haystaa mas’uuliyadda khasaaraha diyaarad milateri oo ku burburtay Soomaaliya.
Saraakiishan ayaa ka soo hor muuqday guddi ka kooban saddex garsoore oo uu hoggaaminayay Korneyl Frederick Kangwamu, iyadoo lagu soo oogay hal dambi oo la xiriira falal khaldan oo la sheegay inuu sababay khasaaraha diyaaradda.
Dhammaantood waxay beeniyeen eedaha loo jeediyay, kuwaas oo haddii lagu helo ku muteysan karaan ciqaab adag.
Xeer-ilaalintu waxay maxkamadda u sheegtay in baaritaannadu weli socdaan, taasoo keentay in kiiska dib loo dhigo. Maxkamaddu waxay amartay in saraakiisha lagu sii hayo xabsi ilaa 4-ta April o2026, markaas oo mar kale la hor keeni doono.
Dacwad oogayaasha ayaa ku andacooday in saraakiishan ay ku lug lahaayeen hawlgal si dayacaad ah loo fuliyay bishii Sebtembar 2024, kaas oo sababay in diyaaraddii ciidamada Uganda ay burburto oo gebi ahaanba lunto.
Diyaaradaha milateriga Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa door muhiim ah ka ciyaara qaadista ciidamo iyo sahay, gaar ahaan meelaha halista ah, hase yeeshee sanadihii u dambeeyay ciidamada Uganda ayaa wajahaya shilal diyaaradeed oo soo noq-noqday, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

