Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo haatan ku sugan gudaha magaalada Baydhaba ayaa xalay kulan xasaasi ah xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed kula yeeshay saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeyb qaatay fulinta howlgalkii magaalada looga saaray madaxweynihii hore ee maamulkaasi Cabdicasiis Lafta-gareen, isaga oo ka hadlay arrimaha ammaanka, maadaama uu soo dhammaaday howlgalkii.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin heer federaal ah ah sida, Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee XFS, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikradaha xagjirka ah ee rabshadaha wata, iyo sidoo kale Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Ururka Bulshada Bariga Afrika Danjire Ilyees Cali Xasan.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka u daarnaa xoojinta amniga Baydhaba, maadaama uu isbeddel dhacay, wuxuuna faray ciidamada inay dardargeliyaan shaqadooda amniga.
“Ujeedka kulanka ayaa waxa uu ahaa xaaladaha amni ee magaalada Baydhabo oo ay shalay soo gaareen Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Ciidamada Deegaanka, iyo sidoo kale dardargelinta howlgalada amni ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku hareereysan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale saraakiisha iyo guud ahaan ciidamada qalabka sida qeybahooda kala duwan uga mahadceliyey naf-hurnimadooda ku aadan difaaca sharafka qaranimada Soomaaliyeed.
Dhankooda saraakiisha kulanka ka qeyb gashay ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya warbixin ka siiyey howlgalkii guuleystay ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay Khawaariijta kaga sifeeyeen wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo iyo xaaladihii ugu dambeeyey ee deegaanada Koonfur Galbeed, gaar ahaan magaalada Baydhaba ee caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shalay ku dhawaaqay in ay ka shaqeynayaan sidii doorasho xalaal ah looga qaban lahaa Baydhaba, waxaana uu faray ciidanka in ammaanka ay adkeeyaan, ayna xadidaan dhaq-dhaqaaqa.
Ujeedka booqashada Aadan Madoobe ee Baydhaba ayaa la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed, si looga tashado marxaladda kala guurka ah ee maamulka.
Si kastaba, Xaaladda Baydhaba ayaa haatan deggan kadib markii shalay ay si buuxda gacanta ugu dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgal milatari ka fulisay gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Bakool.
La wareegista magaaladan ayaan keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, uuna is casilo maaxweyne Lafta-gareen.


