Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmo adag kadib Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si rasmi ah Isniintii ula wareegay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, kadib iska hor imaad kooban oo ay la galeen ciidamo taabacsanaa madaxweyne Lafta-gareen oo ay isku dhaceen dowladda dhexe.
Ciidamada ayaa haatan fariisimo cusub ka sameystay bannaanka iyo gudaha magaalada, madaama Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay gacanta ku hayaan ciidanka Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM, kuwaas oo muddo dheer jooga magaalada Baydhaba.
Itoobiya ciidamadeeda qayb kama noqon siyaasadaha is-diidan ee Koonfur Galbeed waxayna iska diideen inay difaacaan Lafta-gareen, haddane waxaa su’aallo ay ka dhasheen in weli ay gacanta ku hayaan xarumaha dowladeed ee gudaha dalka, gaar ahaan dhismayaasha madaxtooyada ee maamul-goboleedyada.
Haddaba suuragal ma tahay in Madaxtooyada Baydhaba si lamid ah Villa Somalia ay u ilaaliyaan Ciidanka Xoogga Dalka?
Qaar kamid dadweynaha Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay su’aashan, waxayna badankood soo jeediyeen in ciidamada shisheeye laga wareejiyo xarumaha muhiimka ee dowladeed, maadaama la dhisay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayna ku filan yihiin amniga dalka.
Axmadey Foorno: “Maxaa diidaya?, hadda khawaarij waa laga adkaaday ajaanibta waqtigooda waa soo dhamaaday”.
Axmed Cali: “Haddii taas uu sameeyo President HSM, waa halyeey ilaaliyay Qaranimada Soomaaliya”.
Xassan Nuur: “Madaxtooyada Galmudug-ba waxaa ilaaliyo wiilal Soomaaliyeed oo loo tababaray, magacoodane waa Koofi Cas”
Daahir Yare: “Haa waa sidaan rabi lahaa dhammaan Dowlad-goboleedya ka jira dalka”.

