28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sawirro: Maareeye Maxamed Cali Ameeriko oo gaaray dalka Ruushka + Ujeedka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Cali Ameerika, ayaa gaaray dalka Ruushka, halkaas oo uu kaga qayb galayo shirka Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka.

“Waxaan soo gaarnay St. Petersburg ee dalka Ruushka, halkaas oo aan kaga qayb galayno Madasha Caalamiga ah ee Gaadiidka iyo Saadka,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa.

Madashan, oo maanta si rasmi ah uga furantay St. Petersburg, ayaa lagu gorfeynayaa isbeddellada iyo horumarrada cusub ee ku soo kordhay marinada muhiimka ah ee caalamka, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhaqaalaha, ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha dunida.

Waxaa madasha igu soo dhoweeyay Mudane Andrey Nikitin, Wasiirka Gaadiidka ee Ruushka. Waxaan madashan ku soo bandhigi doonnaa sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay si firfircoon uga qayb qaadato horumarka iyo isbeddellada ka socda gaadiidka iyo saadka caalamiga ah.

Sidoo kale, maareeyaha ayaa yiri: “Aniga iyo wafdiga ila socda waxaa sidoo kale si diirran noogu soo dhaweeyay, isla markaana nagu wehelinaya shirkan, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Danjire Maxamed Abuukar Zubeyr.”

Cabdixakiim Cilmi Xasan
Nairobi, Kenya
 

- Advertisement -

Read more

Local News