28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xasan Sheekh oo ku biiray shir muhiim ah oo ka dhacay Turkiga + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblomaasiyadda Antalya ee dalka Turkiga, taas oo ay isugu yimaadeen madax dowladeed, diblomaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka kala socda caalamka.

Madashan ayaa diiradda lagu saaray is-dhaafsiga aragtiyo la xiriira xaaladda caalamka, doorka diblomaasiyadda casriga ah, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa caqabadaha caalamiga ah ee sii kordhaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay muhiimadda ay diblomaasiyaddu u leedahay dhisidda kalsoonida dowladaha, kobcinta xiriirrada saaxiibtinimo iyo xasillinta guud ee caalamka.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in dunida maanta ay si weyn ugu baahan tahay wada-hadallo miro-dhal ah iyo iskaashi dhab ah oo lagu wajaho arrimaha amniga, horumarka iyo xasilloonida.

Madaxweynaha ayaa hoosta ka xarriiqay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Xasan Sheekh ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada diblomaasiyadda dhinacyada badan leh, ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah, iyo xoojinta iskaashiga caalamka.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu kulan-doceedyo la yeelan doono madaxda iyo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya shirkan, si uu ugala hadlo arrimaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Turkiga oo shirkan soo qaban-qaabiyay ayaa ah saaxiibka koowaad ee Soomaaliya, iyadoo haatan ay labada dal ka dhaxeeyaan iskaashiyo dhowr ah oo ku saleysan amniga, dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha dalka iyo sidoo kale taageerada diblomaasiyadeed.

- Advertisement -

Read more

Local News