28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Soomaaliya oo Israel ugu hanjabtay xirista marin biyood muhiim ah haddii ay joojin weydo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Cabdullaahi Warfaa ayaa ka digay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isaga oo sheegay in tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo madax-bannaanida dalka ay keeni karto cawaaqib culus.

Danjire Warfaa ayaa si gaar ah uga hadlay tallaabada ay Israa’iil ku magacowday safiir ay u soo dirayso Somaliland, taas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku tilmaantay mid si toos ah u dhaawaceysa qaranimada dalka.

Qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (ex-Twitter) ayuu safiirku ku sheegay in cid kasta oo isku dayda faragelin ay la kulmi doonto jawaab adag oo ka timaadda Soomaaliya.

“Dal kasta oo faragelin ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isla markaana wax u dhimaya midnimadeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, waxa uu la kulmi doonaa cawaaqib ay ka mid noqon karto xaddidaad lagu soo rogo isticmaalka marinka Bab-el-Mandeb,” ayuu yiri Danjire Warfaa.

Wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya ay ka fiirsan karto qaadista tallaabooyin kala duwan oo lagu difaacayo danaha qaran, haddii ay sii socdaan falalka loo arko faragelin.

Waxyaabaha u sahli kara Soomaaliya in ay qaaddo tallaabooyinka noocaas ah waxaa ka mid noqon kara xoojinta cadaadiska diblomaasiyadeed, dhisidda iskaashi dhow oo ay la yeelato dalalka gobolka, iyo ka shaqaynta go’aanno ka soo baxa hay’adaha caalamiga ah si loo kordhiyo kormeerka ama loo saameeyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Falanqeeyayaasha ayaa tilmaamaya in aysan fududeyn in Soomaaliya si toos ah u xaddido ama u cunaqabateyso marinka Bab-el-Mandeb, maadaama ay jiraan caqabado la xiriira awoodda iyo saamaynta ay ku leedahay goobtaas.

Hirgelinta tallaabooyin noocan ah ayaa inta badan ku xirnaan karta awood ciidan, heshiisyo caalami ah iyo heerka iskaashi ee ay Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo quwadaha daneeya amniga marin-biyoodkaas.

Marinka Bab-el-Mandeb waa marin istaraatiiji ah oo ku yaalla inta u dhaxaysa Jabuuti iyo Yemen, wuxuuna isku xiraa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, isagoo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.

Inkastoo Soomaaliya ay leedahay xeeb dheer oo ku fidsan Gacanka Cadmeed, haddana marinkaasi si toos ah uguma yaallo dhulkeeda, halka Somaliland oo sheegatay inay ka go’day Soomaaliya ay maamusho qaybo ka mid ah xeebaha u dhow marinkaas.

Si kastaba, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Israa’iil, iyada oo ku tilmaantay faragelin cad, halka Somaliland ay si diirran u soo dhawaysay magacaabistaas, kuna tilmaantay fursad muhiim u ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo raadinta aqoonsi caalami ah.

- Advertisement -

Read more

Local News