28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Xog: Madaxweyne Xasan oo ku wajahan Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu booqasho ku tego magaalada Baydhaba oo Isniintii ay howlgal milatari kula wareegtay dowladda, kadib markii meesha laga saaray maamulkii madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

Ujeedka madaxweynaha ayaa la xiriira inuu u kuurgalo xaaladda magaaladaasi, maadaama uu dhacay isbeddel wayn, uuna guuleystay qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Galbeed.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in madaxweynaha uu la kulmi doono siyaasiinta garabkiisa ah ee kasoo jeedo deegaannada maamulkaas iyo qaybaha bulshada, isaga oo kala hadli doono marxaladda kala guurka ah ee maamulka iyo sidii looga shaqeyn lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Baydhaba hadda waxaa ku sugan guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo kulamo gaar gaar ah ka wada magaaladaasi, isaga oo xalay madaxtooyada Koonfur Galbeed ku qaabilay saraakiisha hoggaamineysay howlgalkii guuleystay ee magaalada looga saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Xaaladda Baydhaba ayaa haatan deggan, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya oo laba maalin ka hor howlgal milatari ka fuliyay gudaha magaaladaas oo ah xarunta gobolka Baay.

La wareegista magaaladan ayaan keentay in si deg-deg ah ay isu beddesho xaaladda siyaasadeed ee maamulkaas, uuna is casilo maaxweyne Lafta-gareen.

Si kastaba, Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa toddoba sano kadib ku baxay qaabkii ay xukuumaddii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku keentay waxaana ka hor intii uusan u ambabixin dalka Kenya uu Wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed, Axmed Maxamed Xuseen u magacabaay inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News