29.9 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Wasiir Jaamac oo laba jiho farriin u diray kadib la wareegista Baydhaba

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka Dekedaha Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa baaq kasoo saaray xaaladda magaalada Baydhabo oo Isniintii ay gacan ku haynteeda la wareegtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Jaamac ayaa baaqan u jeediyay dhamaan hay’adaha amniga iyo bulsho weynta reer Baydhabo, isagoo sheegay in hay’adaha amniga ay tahay inay gacan bir ah ku qabtaan qof walba oo dhibaato ku ah amniga iyo xasiloodina magaalada lana tiigsataan sharciga.

“Hay’adaha Amniga ee ku sugan magaalada Baydhabo, waxaa waajib idinka saarnyahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka Shacabka ku nool magaalada Baydhabo, waxaan marnaba la aqbali karin in ay waxyeelo soo gaarto xaruumaha Dowlada iyo kuwa Ganacsiga,” ayuu Wasiir Jaamac ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale wuxuu shacabka reer Baydhabo ugu baaqay isku duubni, wax wada qabsi iyo in isku kalsooni lagu dhiso maamul cusub.

“Shacabka Reer baydhabo waxaa idin yimid wiilashiina, guusha aan gaarneyna waa guul wadareed, taasina waxay rabtaa ilaalin, awood ku dhisan kalsooni iyo wadajir, taas oo ku imaaneysa is cafin,” ayuu yiri.

Wasiirka oo kamid ah mas’uuliyiintii safka hore uga jiray dagaalka maamulkii Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale sheegay in maamulka ka qabsoomi doonto doorasho horseeda Koonfur Galbeed lagu wada qanacsan yahay, cadaalad iyo barwaaqo ah.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Bismilah,

Waxaan halkaan baaq uga jeedinaayaa dhamaan hayada Amniga iyo Bulsho weynta Reer Baydhabo.

1)- Hay’adaha Amniga ee ku sugan magaalada Baydhabo, waxaa waajib idinka saarnyahay ilaalinta nafta, sharafka iyo maalka Shacabka ku nool magaalada Baydhabo, waxaan marnaba la aqbali karin in ay waxyeelo soo gaarto xaruumaha Dowlada iyo kuwa Ganacsiga.

Waxaa waajib idin ka saaranyahay inaad gacan bir ah ku qabataan qof walba oo dhibaato ku ah amniga iyo xasiloodina magaalada lana tiigsataan sharciga.

Waxaad dhiigiina u bixiseen ilaalinta sharafta Shacabka iyo sareynta sharciga ee wax intaas ka yar haku qancina.

2)- Shacabka reer Baydhabo waxaa idin yimid wiilashiina, guusha aan gaarneyna waa guul wadareed, taasina waxay rabtaa ilaalin, awood ku dhisan kalsooni iyo wadajir, taas oo ku imaaneysa is cafin.

Waxaa la idinka rabaa isku duubni wax wada qabsi iyo isku kalsooni lagu dhiso maamul cusub.

Waxaa idinkaga digaayaa dhibaateynta xaruumaha dowladiina, qabyaaladda iyo kooxeysiga, hana ku qancina wax ka yar nidaam dowladnimo.

Waxaa noo balan ah Koofurgalbeed lagu wada qanacsanyahay, cadaalad iyo barwaaqo ah.

Guuleysta.

- Advertisement -

Read more

Local News