Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Galmudug ayaa ku dhawaaqay inuu qabanayo doorasho qof iyo cod ah, hannaankaas oo ku yimid dastuurka uu muran badan ka taagan yahay ee dhawaan uu ansixiyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid ayaa shaaciyay in bishan April ay caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo guud ahaan maamulka ka qabsoomi doonto doorashada qof iyo cod.
“Doorashooyinkii golayaasha deegaanka ayaa bisha April qabsoomaya. Doorashada degmo, caasimad iyo meel walba ayay ka dhacaysaa, ha loo diyaar garoobo ololihii,” ayuu yiri Cali Ciid.
Waxa uu intaas ku sii daray, “Annagu wixii aan bulshadeenna u qabanay ayaa soo bandhigaynaa, ciddii nala tartamaysana iyadaa laga rabaa inay wax soo bandhigto.”
Dhinaca kale, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta gaarsiiyay kaararka codbixinta magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.
Guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay kaararka codbixiyeyaasha gaarsiin doonaan dhammaan degmooyinka dalka ee horay looga sameeyay diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Sidoo kale, guddiga ayaa ku booriyay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobollada dalka inay qaataan kaararkooda codbixinta, una diyaar garoobaan doorasho qof iyo cod ah.
Tallaabadan ayuu guddiga sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu dardargelinayo diyaarinta iyo hirgelinta hannaanka doorashooyinka dalka.
Hannaanka doorashada qof iyo cod oo si tijaabo ah looga qabtay gobolka Banaadir ayay haatan dowladda dooneysaa inay gaarsiiso guud ahaan dalka, iyadoo muujisay sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshahan, qiima kasta oo ay ku kacdo, sida maalmo ka hor ka dhacday magaalada Baydhabo oo hore looga qabtay doorasho dadban oo uu isku doortay hoggaamiyihii haatan is-casilay, Cabdicasiis Lafta-gareen.
Hoos ka daawo muuqaalka

