Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow soo saaray digreeto uu ku magacaabayo hoggaamiye kumeelgaar ah oo uu yeelanayo maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Digreetadan oo warbaahinta u akhriyay Afhayeenka Xukuumadda, Cabdinaasir Axmed Bashiir ayaa Ra’iisul Wasaaruhu ugu magacaabay Jibriil Cabdirashiid Xaaji inuu noqdo hoggaamiyaha KMG ah ee maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.
Jibriil ayaa hadda ahaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, wuxuuna beddelayaa Cabdicasiis Lafta-gareen, oo awood ciidan lagu dhaafiyay xukunka.
Ciidanka Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya kuwa taabacsan mucaaradka ee la baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ayaa Isniintii awood milatari kula wareegay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.
Lafta-gareen ayaa ka hor inta uusan ka dhoofin Baydhabo shaaciyay inuu is-casilay, isla markaana uu ku-sime Madaxweyne u magacaabay Wasiirka Maaliyadda maamulka Koonfur Galbeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda u diyaar-garobeysa sidii ay maamulka Koonfur Galbeed uga qaban laheyd doorasho qof iyo cod ah, hanaankaas oo ah midka ay isku seegeen Lafta-gareen, ayna si adag u diidan yihiin mucaaradka.
Magaalada Baydhabo waxaa haatan ku sugan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka shaqeynaya sidii doorasho looga qaban lahaa maamulka.

