28 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Iiraan oo soo riday diyaarad Mareykanka uu leeyahay iyo askartii saarneyd oo la…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Online) — Howlgal baadi-goob iyo samata-bixin ah ayaa haatan socda, kaas oo lagu raadinayo shaqaalihii la socday diyaarad dagaal oo uu Mareykanku leeyahay oo ku soo dhacday gudaha dalka Iiraan.

Tani ayaa noqoneysa diyaaraddii ugu horreysay ee si rasmi ah loo ogaado in lagu waayo gudaha dalkaas tan iyo markii uu dagaalku bilowday 28-kii Febraayo, sida ay xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.

Telefishinka dowladda Iiraan ee IRIB ayaa shaaciyay in diyaarad dagaal oo Mareykanku leeyahay ay bartilmaameedsadeen nidaamka difaaca cirka ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ee bartamaha Iiraan. Sidoo kale, Wakaaladda Wararka ee Fars ee dalka Iiraan, oo aad ugu dhow hay’adaha ammaanka ee dalkaas, ayaa baahisay sawirro la sheegay inay muujinayaan burburka diyaaradda lasoo riday.

Weriye ka hadlayay warbaahin maxalli ah oo ka tirsan telefishinka dowladda Iiraan ayaa shaashadda ka akhriyay bayaan lagu yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa dadka deegaanka inay soo qabtaan duuliyaha ama duuliyayaasha cadowga, iyagoo noolna ay ku soo wareejiyaan ciidamada ammaanka, beddelkeedana ay heli doonaan abaalmarin qaali ah.”

Soo dhicitaanka diyaaradda dagaal ee Mareykanka ee maalintii Jimcaha ayaa imanaysa kadib in ka badan hal bil oo uu dagaal xooggan socday, kaas oo duuliyayaasha Mareykanka iyo kuwa Israa’iil ay fuliyeen in ka badan 20,000 oo duqeymood oo xagga cirka ah, iyadoo aan hal diyaarad lagu soo ridin hawada Iiraan, in kasta oo dhowr jeer ay sigteen.

Diyaarad nooceedu yahay F-35A oo uu Mareykanku leeyahay ayaa waxyeelo soo gaartay intii lagu guda jiray howlgal dagaal oo ka dhacay hawada Iiraan 19-kii Maarso, iyadoo duuliyihiina ay soo gaareen dhaawacyo ka dhashay firir. Sidoo kale, waxaa ilaa hadda la soo riday lix iyo toban (16) diyaaradood oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn ee nooca loo yaqaan MQ-9 drones.

Dhankeeda, Israa’iil ayaa shaacisay in qaar ka mid ah duuliyayaasheedii ay marar badan dirqi ku badbaadeen, iyagoo ka baxsaday gantaalada difaaca cirka ee Iiraan.

In kasta oo aysan hore uga dhicin gudaha Iiraan, diyaarado Mareykan ah oo ku lug lahaa dagaalka ayaa lagu soo riday ama lagu bur-buriyay meelo ka baxsan Iiraan dhowr jeer.

Saddex diyaaradood oo Mareykan ah oo noocoodu yahay F-15 ayaa la soo riday maalintii labaad ee dagaalka, shil kaas oo ahaa “rasaas sokeeye” oo ay ku lug lahaayeen milateriga dalka Kuweyt. Dhammaan duuliyayaashii ayaa si nabad ah uga soo booday diyaaradahaas.

Dhanka kale, weeraro loo adeegsaday Drones iyo gantaalo oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee guud ahaan Bariga Dhexe ayaa waxaa ku dhintay 7 askari oo Mareykan ah halka boqollaal kalena ay ku dhaawacmeen, taas oo sidoo kale sababtay burbur malaayiin doolar ku kacaya oo gaaray diyaarado iyo qalab ciidan.

Weerarka cirka ee lagu qaaday Iiraan oo bilowday 28-kii Febraayo, waxaa si joogto ah qeyb uga ah duuliyayaasha dagaalka ee Mareykanka oo duullimaadyo is-daba-joog ah fulinaya.

Waxay garab socdaan diyaaradaha shidaal-qaadka, kuwa basaaska, diyaaradaha bambaanooyinka daadiya, drones-ka iyo qalab kale. Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa diiwaangeliyay 19 nooc oo diyaarado kala duwan ah oo laga adeegsanayo Bariga Dhexe, kuwaas oo leh xawaare kala duwan, qabanayana shaqooyin kala duwan.

Taliska CENTCOM ayaa horey ugu faanayay in diyaarado ay wadaan duuliyayaal aan marnaba la soo ridin. Galabnimadii Khamiista, waxay si cad ugu dhawaaqeen in dhammaan diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka la hayo tiradooda oo ay badqabaan, iyagoo ku eedeeyay Iiraan inay si been abuur ah u sheegatay in ay soo riday diyaarado dagaal in ka badan lix jeer.

- Advertisement -

Read more

Local News