28.2 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Muxuu dastuurka dalka ka leeyahay faro-gelinta ay DF ku sameysay Koonfur Galbeed?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – La wareegista dowladda federaalka Soomaaliya ee magaalada Baydhaba iyo magacaabista maamul kumeel-gaar ah ee loo sameeyay Koonfur Galbeed ayaa dhaliyay doodo dastuuri ah oo xooggan, oo la xiriirta sharciyadda tallaabadaas.

Taageerayaasha dowladda ayaa ay daliilsanaya qodobbo dhowaan wax laga beddelay oo dastuurka ah, halka hoggaamiyeyaasha mucaaradkuna ay ku doodayaan in tallaabadani ay xadgudub ku tahay shuruucda federaalka iyo kuwa maamul-goboleedka labadaba.

Ciidamada dowladda federaalka, oo garab ka helaya ciidamo daacad u ah kooxaha mucaaradka Koonfur Galbeed, ayaa la wareegay gacan-ku-haynta Baydhaba kaddib dagaal ay la galeen ciidamada maamul-goboleedka.

Madaxweynihii Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa is-casilay 30-kii Maarso, wuxuuna markii dambe u safray Nairobi. Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa intaas kaddib u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, inuu noqdo madaxa kumeel-gaarka ah ee maamulka.

Faragelintan ayaa dhalisay su’aalo aasaasi ah oo ku saabsan in dowladda federaalku ay awood sharci u leedahay inay la wareegto maamul-goboleed, soona magacawdo maamul ku meel-gaar ah.

Mukhtaar Maxamed Guuleed, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka oo taageersan faragelinta, ayaa u sheegay BBC Somali in qodobbada 73 iyo 75 ee dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ay dowladda federaalka u oggolaanayaan inay tallaabo qaaddo xilliyada ay jiraan duruufo gaar ah.

“Dastuurka la beddelay, Qodobka 73-aad, Fiqradiisa Koowaad iyo Qodobka 75-aad, Fiqradiisa Koowaad, waxay u oggolaanayaan in dowladda federaalku ay faragelin sameyso haddii ay jirto halis ku wajahan amniga, badbaadada iyo madax-bannaanida dalka, iyo haddii la dareemo halis ku wajahan dadka deegaannadaas,” ayuu yiri.

Mukhtaar ayaa ku dooday in Koonfur Galbeed ay gashay xaalad xasillooni-darro ah, isagoo tusaale u soo qaatay goosashooyin ka dhacay heer degmo iyo isku-dhacyo hubeysan.

“Waxaa dhashay kacdoon siyaasadeed, mid madani ah iyo mid milateri,” ayuu yiri, isagoo tixraacaya dhacdooyinkii ka dhacay degmooyinka Buurhakaba, Qansaxdheere, Xudur, Waajid iyo Bardaale, oo ay xigeen dagaalladii ka dhacay Baydhaba.

Wuxuu sheegay in dhacdooyinkaasi ay abuureen xaalado keenay in maamulku uu ku dhawaaqo inuu xiriirka u jaray dowladda federaalka. Wuxuu intaas raaciyay in Qodobka 73-aad uu oggolaanayo in dowladdu tallaabo qaaddo marka amniga qaranka ama midnimada dhuleed ay halis ku jiraan, iyo marka maamul-goboleedku wajaho xaalado uusan isagu kaligiis xallin karin.

Balse dadka dhaliilsan tallaabadan ayaa su’aal gelinaya ku-dhaqanka iyo sharcinimada dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay ee kiiskan.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah xubin ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka, ayaa ku dooday in sharciyada aan dib loogu dabaqi karin mas’uuliyiin xilka la wareegay kahor inta aan la meel-marin wax-ka-beddelkaas.

“Marka sharci la meel-mariyo oo la beddelo, sharcigaas ma fulin karaan dad xilal hayay kahor maalintaas,” ayuu yiri. “Caalamka meelna kama oggola in ficillo dhacay kahor inta uusan sharci jirin lagu qaado sharcigaas cusub.”

Samatar ayaa sidoo kale dhaliilay in ciidamo federaal ah la geeyo Baydhaba, isagoo soo jeediyay in wada-tashi ballaaran oo lala yeesho wakiillada baarlamaanka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobollada ay dhibaatadu saameysey, ay ka hortagi lahaayeen in xaaladdu sii xumaato.

Falanqeeyaha arrimaha siyaasadda Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa qiray in dastuurka la beddelay uu ku jiro qodob oggolaanaya faragelinta federaalka, balse wuxuu sheegay in fulinta dhabta ah ee ficilka ay tahay mid lagu muransan yahay.

“Qodobku wuxuu ku jiraa dastuurka wax laga beddelay,” ayuu yiri. “Balse maamul-goboleedyada lama siin fursad ay dastuuryadooda kula jaanqaadsiiyaan.”

Wuxuu intaas ku daray in la-jaanqaadsiin la’aanta qaab-dhismeedyada sharciga ee federaalka iyo kuwa maamul-goboleedyada ay halis u tahay in fulintu ay sii qoto-dheerayso khilaafka hay’adaha.

Xaaladda ayaa waxaa sii cakiraya madmadow ku jira dastuurka u gaarka ah Koonfur Galbeed. Wuxuu dhigayaa in madaxweyne ku xigeenku uu xilka la wareegayo haddii madaxweynuhu is-casilo, balse Koonfur Galbeed ma aysan lahayn madaxweyne ku xigeen xilka haya xilligii uu baxayay Laftagareen.

“Marka ay timaado Koonfur Galbeed, xilka madaxweyne ku xigeenka muu jirin,” ayuu yiri Ibraahim. “Maadaama madaxweynihii iyo guddoomiyihiiba ay xilka ka tageen, kala-guurka dastuuriga ah ma cadda.”

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa gabi ahaanba diiday faragelinta dowladda federaalka iyo dastuurka wax-ka-beddelka lagu sameeyay.

Madasha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa magacaabista hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ku tilmaantay mid aan dastuuri ahayn, waxayna ka digtay inay wiiqayso nidaamka federaalka.

Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in uusan jirin sal sharci oo maamul-goboleed loogu beddeli karo maamul ku meel-gaar ah oo laga hago Muqdisho.

Khilaafkan ayaa iftiiminaya jilicsanaanta nidaamka federaalka ee soo koraya ee Soomaaliya, halkaas oo wax-ka-beddelka dastuurka, ismaamulka gobollada iyo walaacyada amniga ay isku dhex-galayaan qaabab aan xal loo helin.

Maadaama fasiraadaha sharcigu ay kala duwan yihiin, kiiska Koonfur Galbeed wuxuu isku beddeli karaa tijaabada ugu weyn ee qeexaysa sida awoodda loogu dheellitiro Muqdisho iyo maamul-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka.

- Advertisement -

Read more

Local News