Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed oo soo saaray warsaxaafadeed ayaa qaylo dhaan ka muujiyay xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira maamulkaas.
Illaa 37 xildhibaan oo soo saaray bayaankan ayaa sheegay in xaalado nololeed oo daran ay ka jiraan gobollada Koonfur Galbeed, ayna saameysay abaarta daran ee ka jira dalka.
Sidoo kale, xildhibaannada ayaa xusay in abaarta ay gaartay meeshii ugu xumeyd, ayna saameysay nolosha dadka iyo duunyada.
“Abaaraha daba dheeraaday iyo colaadaha soo noqnoqday ayaa si weyn u wiiqay nolosha bulshada, waxayna burburiyeen ilihii nololeed ee ay dadku ku tiirsanaayeen” ayaa lagu yiri bayaanka.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Bulshada ayaa la tacaaleysa cunto yari ba’an iyo biyo la’aan baahsan iyo hoos u dhac wayn oo ku yimid wax soo saarka beeraha iyo xoolaha”.
Baaqayn ayaa sidoo kale si gaar ah u muujinaya in carruurta, haweenka iyo barakacayaasha ay yihiin kuwa ugu nugul, isla markaana loo baahan yahay gurmad deg-deg ah si loo badbaadiyo noloshooda.
Ugu dambeyn waxay xidhibaannadu soo saareen baaq deg-deg ah oo ay ugu yeerayaan hay’adaha samafalka inay si dhaqso ah u gaarsiiyaan gargaar bini’aadannimo deegaannadaas, si ooga jawaabo baahida wayn ee jirta
Koonfur Galbeed ayaa waxaa haatan ka jira xaalado adag oo siyaasadeed, kuwa amni, iyadoo oo ay sii dheertahay arrimaha bani’aadanimada, maadaama deegaannada qaar laga soo warinayo abaaro aad u daran.



