27.9 C
Mogadishu
Sunday, April 19, 2026

Caydiid oo isagoo ilmeynaya xilka wareejiyay + Video

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore wasaaradda warfaafinta Puntand Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta si rasmi ah xilka u wareejiyay, ayaa la arkay isagoo ilmeynaya intii ay socotay munaasabadda xil wareejinta.

Caydiid ayaa xilka ku wareejiyay wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta iyo is-gaarsiinta Mudane Farxaan Cali Xirsi, wuxuuna khudbadda jeediyay isagoo ilmeynaya, sida laga arki karo muuqaal si wayn ugu baahay baraha bulshada.

Maxamuud Caydiid ayaa la dardaarmay wasiirka cusub iyo shaqaalaha wasaaradda, wuxuuna tilmaamay in u taallo shaqo adag, maadaama warfaafinta ay tahay halka lagala socdo xogaha dowladda, lagana difaaco.

“Wasaaraddan shaqadeedu waa xasaasi Star Wars ayaa ka dhaca xiligaa soo jeedo ayay ku xiran tahay iyo sida aad ula socoto xaaladaha” ayuu yiri Caydiid.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Waxaan rajeynayaa wasiirrada in aad la shaqeyn doontaan, wasiirraduna halkaa kala qabsan doonaan, soo jeedkaa iyo feejignaantaas”.

Wasiir Caydiid waxaa saameeyay isbeddelkii uu dhawaan sameeyay madaxweyne Saciid Deni, waxaana la geeyay wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska, iyadoo lagu xasuusan doono dagaalkii afka ee uu la galay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wareegtada Deni waxaa kale oo ay saameysay wasiiro waa wayn, sida wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Saciid (Juxa), Wasiirka Cadaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab iyo xubno kale oo si weyn u difaaci jiray xukuumadda Deni

- Advertisement -

Read more

Local News